Ciidamo ka amar qaata Dowladda Soomaaliya oo la wareegay magaalada Beledweyne

Axad, January 10, 2010(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee Xarunta u ah Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ay gacan ku heynta magaalada gebi ahaanba la wareegeen ciidamada Dowladda Soomaaliya ee horay uga arrimin jiray magaalada.

 

Ciidamada Dowladda ayaa gacan ku heynta magaalada la wareegay kaddib markii uu dagaal xooggan magaalada ku dhexmaray ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogag u daacad ah Xisbul Islaam.

 

Gudaha magaalada ayaa waxaa haatan ku sugan Ciidamada Dowladda, iyadoo xoogaggii Xisbul Islaam ee horay ugu sugnaana ay magaalada isaga baxeen.

 

Waxaan ilaa iyo haatan faahfaahin rasmi ah laga heynin khasaaraha dagaalkan ka dhashay hayeeshee waxaan ku soo gudbin doonnaa wararkeena dambe haddii Alle idmo.

 

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay gudaha magaalada Beledweyne ku dagaallamaan dhinacyadan, isla markaana ay gacan ku heynta magaalada la kala wareegaan, waxaana jirtay dhowr jeer hore oo ay sidan oo kale dhacday.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

[email protected]