Afduubayaasha haysta lamaanayaasha u dhashay dalka Britain oo waqti kama dambeys ah u qabtay madax furashada lacageed ee ay dalbadeen

Axad, January 10, 2010(HOL): Afduubayaasha gacanta ku haya lamaanaha u dhashay dalka Britain ee Paul iyo Richard Chandler ayaa ku hanjabay inay dili doonaan labadooda haddii aan muddo laba bilood gudahood ah lagu siin madaxfurashada lacageed ee ay dalbadeen.

Kooxahan oo afduubay lamaanayaasha bishii Oktoobar ee sannadkii hore xilli ay isaga gooshayeen Jasiiradda Seychelles iyo Tanzania ayaa dalbaday lacag gaaraysa 7-Milyan oo Dollar, balse waxay hadda sheegeen inay doonayaan oo keliya 3-Milyan oo Dollar.

"Waxaan ku doonaynaa madaxfurashada ugu dambeyn laba billood oo laga bilaabayo bishan Jannaayo 1-eeda, waana digniintii ugu dambeysay" ayuu yiri ruux u hadlay afduubayaasha oo lagu magacaabo C/llaahi Nuur kaasoo la hadlay wareys kasoo baxa Britain.

"Haddii muddada aan qabsannay nalagu siin 3-Milyan oo madaxfurasho ah, waxaan diyaar u nahay inaan tooganno labadooda, haddii ay lacagta qaali ku tahay oo aysan hayn iyo haddii kale go'aankeennu waa inaan dilino doono labada ruux" ayuu mar kale yiri C/llaahi Nuur.

Lamaanayaashaan ayaa waxaa lagu hayay tan iyo markii afduubka lagu qabtay dhulka, waxaana lagu hayaa deegaan ku dhow Magaalada Xarardheere oo loo tiriyo inay tahay xarunta labaad ee ugu weyn burcadbadeedda Soomaaliya.

Paul Chandler oo 59-jir ah ayaa waxaa lala haystaa xaaskiisa Richard Chandler oo 55-jir ah, waxaana labdoodu ay horay uga dalbadeen xukuumadda Britain iyo ehelkooda inay bixiyaan lacagta lagu xiray sii dayntooda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya