Mudanayaashii dhawaan shaaciyay inuu dhamaaday waqtigii guddoonka sare ee Baarlamaanka oo kulan la yeeshay Madaxweyne Shiikh Shariif

Axad, January 10, 2010(HOL):  Xildhibaannadii dhawaan shaaciyay in xilligii-shaqo ee guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya uu dhamaaday ayaa la kulmay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, iyagoo sheegay inay kala hadleen muranka soo dhexgalay baarlamaanka.

"Waxaan u sheegnay Madaxweynaha Soomaaliya in lagu xadgudubay dastuurka loona baahan yahay inuu wax ka qabto xadgudubkan" ayuu yiri Mudane Saalax Badbaado oo saxaafadda la hadlay kulankaas kaddib.

Kulanka Madaxweynaha iyo Xildhibannadan oo ku adkeysanaya mowqikfooda ayaa wuxuu socday dhowr saacadood, iyadoo aan wax xal ah lagu gaarin, waxaana lagu wadaa inay mar kale kulmaan sida ay sheegeen mudanayaashan.

"Guddi dhowr xubnood ka kooban ayaan u diyaarinnay inay Madaxweynaha la kulmaan, si ay uga dhaahiciyaan in lagu tuntay Axdiga Qaranka loona baahan yahay in la saxo" ayuu yiri Saalax Badbaado oo ku hadlayay magaca xildhibaannadii shalay kulanka ka qaybgalay.

Mudanayaashan ayaa todobaadkii lasoo dhaafay kulan ay ku yeesheen Muqdisho ku sheegay in waqtigii guddoonka baarlamaanku ay shaqeyn lahaayeen uu dhamaaday, lana joojo xilligii la dooran lahaa hoggaanka cusub ee baarlamaanka Dowladda.

Arrintan ayaa waxay dhalisay muran aad u xooggan oo soo dhexgalay Xildhibaanada iyadoo mudanayaal badan ay taageereen fikirkaan, halka kuwo kalena ay kasoo horjeesteen kuna tilmaameen mid aan sharciga waafaqsanayn.

Xildhibaan Max'ed Qanyare oo ku sugan Nairobi ayaa sheegay inuu taageersan yahay xubnaha qaba inuu dhammaaday waqtigii shaqo ee guddoonka baarlamaanka, halka Xildhibaanad Ikraam Odawaa Raage oo iyadana ku sugan Nairob iay sheegtay in arrinta aysan sharci ahayn, laguna doonayo in lagu burburiyo baarlamaanka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya