Dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho

Axad, January 10, 2010(HOL): Dagaal sababay dhimashada 3-qof inta la ogyahay iyo dhaawac intaas ka badan ayaa maanta ku dhexmaray Waqooyiga Muqdisho ciidamo taabacsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ciidamada Dowladda oo gacan ka helaya kuwa AMISOM, kaasi oo socday  socday qadar saacad ku dhow.

Saraakiil u kala hadlay labada dhinac ee dagaallamay ayaa waxay guulo ka kala sheegteen dagaalka, iyadoo dhinac walba uu sheegtay inuu dhinaca kale khasaare gaarsiiyay, uuna isagu ku sugan yahay deegaannadii laug dagaalamay.

"Dagaalka waxaa nagu soo qaaday ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM oo taangiyo wata, waana iska difaacnay goobihii lagu dagaalamayna inaga ayaa ku sugan" ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen oo Xarakada Al-Shabaab u qaabilsan Gobolka Banaadir, isagoo sheegay inaysan jirin wax khasaare ah oo gaaray.

Iskahorimaadka oo ka dhacay agagaarka Hotel Global ayaa wuxuu ahaa mid ay dhinacyadu isku adeegsadeen hubka noocyadiis kala duwan, iyadoo dadka yar ee deegaannadaas ku harsan ay sheegeen inay xaafadahoodu kusoo dhaceen madaafiic fara badan; khasaarana geystay.

Afhayeenka ciidamada Milateriga Soomaaliya Col. Ibraahim Aadan Kaalmoy oo isaguna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in weerarka lagu soo qaaday iyaga ayna iska difaaceen, isagoo xusay in kooxaha weerarka kusoo qaaday ay ka dileen askar, sidoo kalena ay eryeen.

Marka laga soo tago sheegashada labada dhinac ma jiraan wax warar madaxbanaan ah oo xaqiijinaya sheegashooyinka labada dhinac, sidoo kale saraakiisha AMISOM ayaan ka hadlin dagaalkii maanta dhacay oo ahaa mid xooggan oo laga maqlay madaafiicdiisa degmooyinka Gobolka Banaadir qaarkood.
 
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya