Waddamada Burundi iyo Uganda oo ciidamo kale ku biirinaya ciidamadooda ku sugan Magaalada Muqdisho

Axad, January 10, 2010(HOL): Dalalka Burundi iyo Uganda oo ay ciidamo ka joogaan dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay ciidamo kale oo dheeraad ah u diraan dalkaas, si ay u xoojiyaan ciidamadooda huwan magaca AMISOM.

Wasiirrada Gaashaandhigga labadan dal ayaa kulan ay kaga arrinsanayaan xaaladda ciidammadooda ku sugan Soomaaliya kaddib saddex sano oo ay howlgallo ka wadaan ayaa sheegay ku dhawaaqay inay ciidamo kale kale dirayaan.

"Haddii ciidamadeennu ay helaan qalab ku filan oo ay ku howlgeli karaan waxaan diyaar u nahay inaan ciidamo dheeraad ah u dirno Soomaaliya" ayuu yiri wasiirka Difaaca dalka Burundi Gen. Geirman Neyanyangura oo warfidiyeenka kula hadlay xarunta dalkiisa ee Bujumbura.

Waddamada Burundi iyo Uganda ayaa waxaa ka jooga Soomaaliya ciidamo ka badan 5,000-askari, kuwaasoo ilaalo ka haya xarumah waaweyne sida Dekeda, Garoonka iyo Madaxtooyada, saldhigyo koobanna ku leh Magaalada Muqdisho.

"Beesha caalamka waxaan ka dalbanaynaa inay ciidamadeena ku taageeraan hub kala duwan, sida diyaaradaha dagaalka" ayuu yiri Wasiirka gaashaandhigga dalka Uganda Gen. Crispos Kiyonga oo ka hadlay shirka jaraa'id ee uu la qabtay dhiggiisa dalka Burundi.

Gen. Crispus, wuxuu sheegay inay kooxaha dagaalka ka wada Soomaaliya ay wadaan abaabul ay ku doonayaan inay ku weeraraan xarumaha ciidamadooda ku sugan Muqdisho, balse ay ciidamadoodu qabaan amar ah inay iska difaacaan weerar kasta oo lagu soo qaado.

Labada wasiir oo shirkooda kusoo beegay xilli waqtiga joogitaanka AMISOM lagu daray lix bilood oo kale ayaa ka dalbaday dalalka kale ee Afrika inay ciidamo dheeraad ah u diraan Soomaaliya si ay u xoojiyaan ciidamadooda ku sugan Muqdisho.
 
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya