Axad, 10 January 2010 (HOL)- Ciidamada Booliska Somaliland ayaa gacanta ku dhigay waxyaabo qarxa oo ka kooban Hoobiyayaal iyo Lidka Diyaaradaha iyo ninkii watay, ka dib markii ay qabatay gabadh ka mid ah dadka dega Xaafadda lagu qabtay Ninkan ee Xawaadle ee Magaalada Hargeysa.
Walxahan qarxa ayaa nin ka mid ah dadkii watay, waxa uu dhigay meel u dhaw Masjid uu tujiyo Sheekh Aadan Maxamuud Xiirey (Siiro) oo ka mid ah Culimada Somaliland.
Taliyaha Saldhigga Xaafadda Dalloodho ee Magaalada Hargeysa Mahdi-Lixle ayaa ka hadlay waxyaabahan la qabtay. “Walxahan oo lala damacsanaa in lagu qarxiyo Masjidka iyo Madarisad ku dhagan ayaa waxa fashilisay gabadh ka agdhawayd markii la dhigaayey Miinooyinkan, waxaanay sheegtay in uu dhigay Nin Oromo ah, isla markaana ay gacanta ku dhigay oo isku dayday inay qabato, balse ay u suurto geli wayday oo uu xoog kaga baxsaday, taas oo ay la socod-siisay Ciidanka bilayska ee Saldhiga Degmada Ibraahin Koodbuur, kuwaas oo gacanta ku soo dhigay Walxihii lagu aasaasay Masjidka agtiisa, haatana ay ku wareejiyeen qaybta Miino baadhista ee Booliska.” Ayuu yidhi Taliyuhu.
Sidoo kale, Sheekh Aadan-Siiro oo Masjidka uu tujiyo agtiisa laga helay waxyaabahan, ayaa ka hadlay isaguna dhacdadan. “Meesha alaabta qaraxday laga helay waa Madarisad ay dhigtaan Afarkun oo Arday, waxaan aad iyo aad ugu mahad naqayaa Hooyada isku dayday inay qabato iyo dadka qaba dareenka ah in dalkani uu horumar gaadho oo caadaladiisu wax noqoto nabadgalyadiisu wax noqoto ku dhiirada, laakiin shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay dawladeenu waa dawlad aan la ictiraafin oo aan dibada waxba uga iman oo aynu inagu shacab ahaan kab-kabayno oo runtii awoodeeda iyo garashadeedaba aynu garanayno.”
Si kastaba ha ahaatee, maaha markii ugu horraysay ee waxyaabaha qarxa ee noocan ah lagu qabto Deegaannada Somaliland, hase ahaatee, bishii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Ciidamada ammaanku ay deegaanka dubur ee gobolka Togdheer ka heleen waxyaabaha qarxa oo laga buuxiyay Jawaan, kaas oo la sheegay in ku talo-galku ahaa in lagu fuliyo weerar argagixiso.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland