4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2019
Nalalka cadceeda ku shaqeeya oo laga hergaliyay degmada Buula-burte


Axad, April, 14, 2019 (HOL) – Nalalka  cadceeda ku shaqeeyo ee laga hirgilinayo degmada Buula- burte ayaa waxaa iska kaashaday  sanduuqa xasilinta Soomaaliya  dowlada Federaalka Iyo  maamulka  goboedka Hirshabelle.

Gudoomiyaha degmada Buullo-burte Cabdi Casiis Cabdule Duuroow iyo duqa degmada Maxamed Fiidoow Cawaale ayaa si wada jir ah uga qeyb galay xaflad lagu daah furayay bilihii  ugu horeyay ee laga hirgaliyo wadooyinka degmada Buulo- burte.

Qeybaha Bulshada ku nool dagmada Buula-Burte ayaa so dhaweyay hirgilinta  nalalka cad ceeda ku shaqeeyo waxaana ay ku tilmaameen Talaabo dhinaca horumarka iyo nabada- galyada loo qaaday.

Hirgilinta nalalka cadceeda ku shaqeeyo ayaa waxaa ay qeyb ka yihiin mashaariic horumarineed oo laga fulinaayo degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Waa markii ugu horeysay oo laga hirgiliyay  nalalka cad ceeda ku shaqeeyo dagmada Buula- burte  tan iyo markii Soomaaliya ay soo gaareen kuwaas oo meelo badan oo dalka ah laga hirgiliyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]