4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2019
Diridhabe : Wararkii ugu dambeeyay ee rabshadihii halkaa ka dhacay xalay ilaa maanta

 

Axad, April, 14, 2019 (HOL) – Xaaladda magaalada Diridhabe ayaa wali aan degganayn, kaddib rabshado u dhaxeeyay Soomaalida iyo Oromada oo habeenimadii xalay ilaa maanta galinkii hore ay ka socdeen xaafadaha Lagahare, Sh Xabiib iyo agagaarka Suuqa wayn ee Ashawa.

Galinkii hore ee maanta ayaa waxaa la soo buux dhaafiyay goobihii ay rabshadu ka dhacaysay Ciidanka Militariga waxayna xidheen guud ahaan waddooyinkii xaafadahaas sidoo kale waxay xidheen Suuqii waynaa ee Ashawa.

Lama oga waxa dhaliyay rabshadahan, balse waxaa ku dhaawacmay 3 qof oo Soomaali ah.

Guud ahaan Soomaalida deggan magaalada Diridhabe ayay cabsi soo wajahday iyadoo Booliska magaaladu markay dhibaato dhacdo ay Soomaalida un garaacaan oo ay dhib badan u gaystaan.

Rabshadahan ayaa ku soo hagaagaya xilli magaalada ay joogeen madaxda degaanada bariga Itoobiya oo shir dhanka Nabadgalyada ah halkaas uga socday.

Soomaalida ayaa rabshadan soo noqnoqotay ku wareeray, waxayna maanta dadka Soomaaliyeed ee deggan Diridhabe u ahayd maalin uga duwan maalmihii hore, iyadoo dadkuna uu badankii iska joogeen guryahooda.

Magaalada ayaa saacaddan ah mid deggan inkastoo aan la isku halayn karin, walaw ciidan fara badan ay joogaan xaafadihii ay wax ka dhaceen haddana laguma kalsoonaan karo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]