4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2019
Saraakiil iyo Askar loo xiray dagaal labadii maalmood ee la so dhaafay Muqdisho ku dhaxmaray ciidamada dowladda

 

Axad, April, 14, 2019 (HOL) – Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jen Bashiir Cabdi Maxamed  ayaa shir jaraa’id ku sheegay in dagaalo labadii cisho ee la soo dhaafay dhaxmaray ciidamada dowladda loo soo xir xiray Askar iyo saraakiil la tuhusan yahay in ay qeyb ka ahaayeen dagaalladaa.

“Ciidamada isku rasaaseeyay meelo ka mid ah Muqdisho, waxaa u soo qabanay saraakiil iyo askar lagu tuhunsan yahay falalkii shalay iyo doraad dhacay”ayuu yiri Jen. Bashiir.

Labadii cisho ee la dhaafay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo dhaxmaray ciidamo ka kala tirsan Booliiska iyo Militariga dowladda Soomaaliya, iyadoo baraha bulshada lagu soo bandhigay muuqaallada Askar dhaawac ah oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya.

Jen Bashiir ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in sharciga lala tiigsan doono askarigii ka hor-yimaada hannaanka sugid amniga, isla markaana aan loo dulqaadan doonin.

Ciidamo ka tirsan Milateriga iyo kuwa Booliska ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay is rasaaseyn ku dhex maray magaalada Muqdisho, kaa soo ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]