
Axad, April, 14, 2019 (HOL) - Waxaa goor dhaw si rasmi ah xarunta Golaha Shacabka uga furmay shir looga hadlayo xaalada Amniga dalka, gaar ahaan magaalada Muqdisho oo xidlhibaannadu su’aalo ku weydiin doonaan madaxda ugu sareysa hay’adda Amniga.
newsinside Waxaa xarunta ku sugan Wasiirka Amniga Wasiirka Gaashaandhigga, iyo tiyeyaasha ciidamada Booliska, Milateriga, Asluubta iyo nabad-sugida.
Kulankii Sabtidii toddobaadkii hore ee la doonayay in mas’uuliyiinta su’aalaha lagu weydiiyay ayaa ku soo idlaaday buuq iyo khilaaf soo kala dhaxgalay xildhibaannada oo isku maandhaafay ka qeybgalka warbaahinta kulankaas oo qaarna diideen kuwa kalana ogolaadeen in ay tabiyaan.
Kulanka maanta ayeey warbaahintu dibad joog ka tahay kaddib markiii sidaa leysku afgartay, sida uu guddoomiyaha Golaha Shacabku sheegay.
Kulanka maanta ee su’aalo weydiinta laamaha Amniga ayaa imanaya xili maalintii shalay magaalada ay ka dhaceen rabshadihii ugu cuslaa ee dhaxmaray ciidamada dowladda iyo dadweyne ka careysay dil loo geystay labo ruux oo wada saarnaa Mooto Bajaaj, waxaana dibadbaxyadaa ku geeriyooday dad ka badan 6 ruux oo rayid ah.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]