4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2019
Ku-simaha hay’adda NISA oo si adag uga jawaabay su’aal uu weydiiyay xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka

 

Axad, April, 14, 2019 (HOL) – Iyadoo maanta fadhiggii Golaha Shacabka su’aalo lagu weydiinayay hoggaanka laamaha kala gadisan ee Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa fadhigga gudihiisa waxaa su’aalo adag lagu weydiiyay ku-simaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin.

Fahad ayaa gaar ahaan siweyn uga carooday su’aal uu weydiiyay mid ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo lagu magacaabo Sakriya Gaashaan oo u dhacday bal in uu ka jawaabo waxa ka jira in uu xiriir ka dhaxeeyo Al-shabaab iyo hay’adda NISA.

Gaar ahaan xildhibaanka ayaa u cuskaday su’aashiisa xil ka qaadistii taliye ku-xigeenkii hay’adda NISA Jen Cabdalla Cabdalla oo warbaahinta ka sheegay in Al-shabaab ay si toos ah ugu dhax milmeen hay’adda nabad-sugida.

‘’Mudane guddoomiye arintan waa gafweyn oo loo geystay hay’adda iyo Aniga shaqsiyan, markii aan laheyn yaan warbaahinta la keenin golaha dhaxdiisa in wax oo kale leys weydiinayo ayaan ogeyn. in golihii dhexdiisa su’aal noocaan la isku dhex weydiiyo..waxey gef ku tahay hay;adda Nabadsugida waxaan codsanayaa Xildhibaanka in uu cudurdaar ka bixiyo, haddii kale xaqa qaanuuniga aan leeyahay ayaa qaadanayaa” ayuu yiri Fahad Yaasiin.

Shirkii Golaha Shacabka ee maanta oo dooddiisa ugu badan aheyd arrimaha Amaanka ayaa su’aalaha ugu badan waxaa la weydiinayay Wasiirka Amniga iyo taliska hay’adda Nabad-sugida.

Ku-simaha hay’adda Nabad-sugida ayaa inta badan su’aalaha wax laga weydiiyay is garab mariyay, isaga oo ku jawaabayay in aysan isaga oo kaliya quseyn, laakiin loo baahan yahay in su’aal walba la weydiiyo cidda ay gaar u quseyso.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]