4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 14, 2019
Shirka amniga Puntland oo looga hadlay kufsiga

Axad, April, 14, 2019 (HOL) - Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir guddoomiyey shirka Amniga Puntland oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Shirkan waxaa kasoo qayb galey maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Puntland Yuusuf Madaxmed Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Daraawiishta, PSF, Asluubta iyoTaliyaha qaybta gobolka Nugaal.

Shirkan oo diiradda lagu saarayey ammaanka guud ee Puntland iyo dhacdooyinkii foosha xumaa ee soo laa laabtay ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR  Puntland Yuusuf Madaxmed Ismaaciil.

"Maanta waxaa ka qabsoomey Madaxtooyada shirkii amniga Puntland oo lagaga hadlayey arrimaha ku cusub Puntland oo ay ugu horayso kufsiga in wax laga qabto, shacabkana lala wadaago meesha ay xaaladdu marayso".

"Shirkaas waxaa shir guddoominayey kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka, shirkaasi waxaa uu u dhacay si wanaagsan, wax qabadkiisana waa la arki doonaa , shacabka reer Puntland waxaan la socod siinayaa in arrinta kufsiga si deg deg ah wax looga qaban doono". ayuu yiri wasiir ku-xigeenka amniga Puntland.

Shirkan ayaa ku soo aaddaya xilli ay kordheen falalka kufsiga iyo dilalka ee ka dhacaya gudaha Puntland.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]