Axad, April, 14, 2019 (HOL)
- Hal qof ayaa ku dhintay mid kalana wax yeello
ayaa ka soo gaartay kaddib markii uu ku soo dumay darbiga Garoonka Kubadda
Cagta Jaamacaddaha degmada Hodan ee
magaalada Muqdisho.
Dad ku sugan goobta ayaa sheegay
in qofkan dhintay laga soo saaray darbiga dumay hoostiisa kaddib markii gurmad
ay sameeyeen dad kale oo goobta ka agdhawaa.
Waxaa kaloo isla darbiga dumay
laga soo hoos saaray qof kale oo wax yeello jirka ah ay soo gaartay sida
goobjoogayaashu sheegeen.
Waa markii labaad uu soo dumo qeyb ka mid ah
Garoonka Kubadda Cagta Jaamacadaha ee Magalada Muqdisho,waxaana dhacdadii hore
aysan dad wax ku noqon,balse markaan ay ka dhasheen khasaaro dhimasho iyo
dhaawac ah.
Dhismaha Garoonka ayaa qeyb ka ahaa mashaariic c
ay FIFA ka fulisay gudaha Soomaaliya, iyaga oo kaashanaya xiriirka Kubadda Cagta
Soomaaliyeed.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]