Axad, April, 14, 2019 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in
howlgalka ciidamadooda ay ka wadaa gudaha dalka Soomaaliya uu sii qaadan karo
muddo 7 sano ah, iyadoo howlgalku si rasmi ah u soo afjarmayo sanadkan 2026ka.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa saxiixday
wareegto waqtiga loogu kordhinayo howlgalka Mareykanka ee Soomaaliya, waxaana
ay howlgaladan isugu jiraan kuwo cirka ah iyo waliba tababaro saraakiisha
Mareykanku siiyaan ciidamada dowladda Soomaaliya.
Mareykanka ayaa bilihii ugu danbeeyayba xoojiyay weerarrada
cirka ah ee ka dhanka ah xoogagga ururka Al-shabaab ee ka dagaalama gudaha
dalka Soomaaliya iyadoo waaxda arrimaha dibada Mareykanku sheegtay in weerarro
cirka ah oo laga fuliyay Soomaaliya sanadkan 2019ka lagu dilay 255 xubnood oo
ka tirsan Ururka Al-shabaab.
Weerarradii ugu danbeeyay ayaa ka dhacay qeybo ka mid ah
gobolka Jubbada dhexe, gaar ahaan degmada Jilib oo lagu bartilmaameedsaday
saldhigyo ay Shabaabku leeyihiin.
Laakiin marka dhinaca kale la eego ciidamada ka jooga
Soomaaliya Mareykanka ayaa qiyaastii tiro ahaan ka badneyn ilaa 500 oo askari
kuwaa oo tababaro iyo talooyinba siiya ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa lagu
magacaabo [Danab] oo marmarka qaar ka barbar dagaalama kuwa Maryekanka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]