4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2019
Wasiir Beyle : Waan ka soo baxnay dhamaan sharuudihii deyn cafinta

 

Axad, April, 14, 2019 (HOL) - Wasiirka Wasaarradda Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa isaga oo ku sugan magaalada Washington sheegay in Soomaaliya ay ka soo baxday dhamaanba sida uu hadalka u dhigay sharuudihii laga doonayay si looga cafiyo deymaha lagu leeyahay.

Wuxuu sheegay in wixii hadda ka danbeeya waxa la sugayo tahay oo kaliya jawaabta caalamku ka bixiyo doonisteena ah in deymaha nagala cafiyo, gaar ahaan waxaa la fariisanay saraakiil ka tirsan dowladdaha deymaha nagu leh.

“Waxaan ku guuleysanay in aan ka soo baxno dhamaan shuruudihii nalaga rabay ee deyn-cafinta Soomaaliya, kaliya waxa aan sugeynaa jawaabta ay ka bixiyaan deeq bixiyayaasha caalmka oo ku qancay habka aan wax u maamulnay, iyo hufnaanta maaliyadda dalka”ayuu yiri Wasiir Bayle.

Ra’iisal wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa maalmihii ugu danbeeyay shirar ku lahaa magaalada Washington ayaa sheegay in Soomaaliya meel wanaagsan ka gaartay hannaanka hormarinta maamulka Maaliyadeed ee dalka.

Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii deymaha looga cafin lahaa Soomaaliya, waxaana magaalada Washington ku sugan wafdi uu horkacayo ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya oo halkaa shirar kula leh madaxda Bankiga aduunka iyo hay’adda lacagta dunida IMF.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]