4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2019
Somaliland oo maanta loo dareeray salaad Roob doon ah


Axad, April, 14, 2019 (HOL) - Gobolada iyo degmooyinka Somaliland ayaa maanta looga dareeray salaada Roob doon ah oo ilaahay lagu baryeyo inuu abaaraha ka jabiyo, isla markaana roob khayr qaba u keenno.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka ku dhaqan magaaladaHargeysa kala qayb-galay salaadaasi Roob-doonta ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa salaadda roob-doonta kala qayb-galay boqolaal shacab ah oo ku tukaday Masjid-jaamaca magaalada Hargeysa, waxana uu shacabka kula dardaarmay inay isku tashadaan, awoodda Eebbena ku kalsoonaadaan, ducadana badsadaan.

Madaxweyne Biixi waxa uu guud ahaanba shacabka Somaliland ugu baaqay inay gacmaha isu wada-qabsadaan sidii uga qayb-qaadan lahaayeen qorshayaasha waqtiyada abaaraha dadka iyo duunyaduba ku badbaadi karaan, qalbigooda iyo niyaddoodana saafi ka dhigaan.

“Abaaraha waxa aynnu kaga bixi karnaa innaga oo isku kalsoonaanna, xooggeena iyo xoolaheenna isku geynna, sidee ayeynu abaarta uga bixi karnaana ku dhaqaaqna, waxa inoo taalla in Biyaha qofba inta uu qaban karno aynnu qabanno oo dawlad, shacab iyo ganacsatoba intaynnu xoog ku qaban karno isugu geynno,” ayuu yidhi Biixi .

Dhinaca kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu bulshada ugu baaqay inay maalinta Berri ah oo hore loogu asteeyey inay noqoto maalinta qaran ee dhiraynta ay u diyaar garoobaan sidii uu qof waliba u beeri lahaa Geed cusub si ay dhirtaasi wax uga tarta abaaraha soo noqnoqda, islamarkaana dhul-daaqsimeedka xoolaha loogu qaybiyo qayb keyd noqota oo waqtiga abaarta lagu baxsado iyo qayb la daaqsimeed, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Berrito waxa aan ka codsanayaa dhammaan Somaliland gobollada oo dhan inuu gobol waliba Soddon kun oo Geed beero, qof walibana haddii uu ka badin karayo uu ka badiyo, si aynnu abaar uga baxsano, dhulka ILaahay ina siiyey ee aynu u talinnona xoolo ayeynu ku noolnahay, xoolahaasna waxa aynnu u baahannahay inaynnu dhulka u qaybinno oo meelna aynnu u keydinno wax ku beerno oo aynnu seero ka dhigno oo jiilaalka iyo abaaraha ku baxsadaan, inta kalena aynnu daaqsiinno, waana talo-xumo in dhulkeenna oo ballaadhan aynu xoolaheenna u kala keydsan weynno.”

Ugu dambayntii waxa uu bulshada Somaliland Eebbe uga baryey inuu abaaraha kasoo furto, cirkana madar Khayr qayba ka siiyo, isaga oo shacabkana ugu baaqay inay quluubtooda nadiifiyaan

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.