Axad, April, 14, 2019 (HOL) –Guddoomiyaha deegaanka Salaxley Ismaaciil Yuuusuf Xusseen oo u sheegay warbaahinta in diyaarado joog hoos ku duulaya ku tureen qoys reer guuraa ah oo deegaanka ku dhaqan walxo aan la garaneyn laakiin sida uu hadalka u dhigay u muuqday walxaha qarxa.
newsinside Guddoomiyaha ayaa sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay , balse arintan cabsi weyn ayeey ku abuurtay dadka deegaanka, waxaa uu sheegay in walxahan ay gubeen ” xeradii” reerku daganaayeen
“Diyaaradahan oo sida ay dadka deegaanku noo sheegeen joog hoos ku duulayay ayaa wax-yaabo qaraxa ku tuureen dad reer miyi ah oo degan meel u dhaxaysa salaxlay iyo deegaanka Aaden Abokor, ma jiro wax dhimasho ah ama dhaawac ah oo dadka soo gaadhay, balse dab xoogan oo hubkaasi sababay ayaa gubay jabadkii reerku degenaayeen” ayuu yiri Gudoomiye Shiine.
Dhacdadan ayaa noqoneysa tii ugu horeysay oo deegaanka ka dhacda, waxaana soconaya ayuu yiri guddoomiyaha baaritaan lagu sameynayo qalfoofta walxaha ay soo rideen diyaaradaha oo goobta laga soo qaaday.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]