Axad, April, 14, 2019 (HOL) - Madaxweyne Muuse Biixi ayaa xilkii ka qaaday laba wasiir oo kala ah wasiirkii caafimaadka iyo wasiirka Qorsheynta, halka wakiilkii Somaliland ee Itoobiya xilkii laga qaaday.
newsinside Wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweyne Biixi ayaa lagu sheegay in xilkii wasaarada Qorsheynta laga qaaday Cawaalle Ibraahim Shirwac, waxaana lagu bedelay Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin), sidoo kale, waxa xilkii laga qaaday wasiirkii Caafmaadka Dr Xasan Ismaaciil, waxaana lagu bedelay Cumar Cali Cabdillaahi Bade.
Sidoo kale, waxa wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha loo magacaabay Cabdinaasir Caydiid Maxamed Faarax.
Waxa kale oo xilkii laga qaaday wakiilkii Somaliland ku lahayd xafiiska Itoobiya Axmed Xasan Cigaal Sahal, waxaana loo magacaabay xafiiskaasi Salaan Xasan Kayd Cabdille.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
Hargeysa, Somaliland.