4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 14, 2019
Xaalada Isbitaalka guud ee magaalada Hargeysa oo laga deyrinayo

 

Axad, April, 14, 2019 (HOL) – Guddi hoosaadka arrimaha bulshada ee golaha Guurtidda ayaa ka dayriyey xaaladda guud ee uu ku sugan yahay cisbitaalka guud ee dawladdu maamusho,isla markaana sheegay in loo baahan yahay in degdeg wax looga qabto.

Gudoomiyaha gudidan arrimaha bulshada ee golaha Guurtidda Axmed Daahir Jirde ayaa sheegay in waaxda dhimirka ee cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysi ay u xaqiijiyeen in ay ku jiraan hooyooyin uur-leh iyo kuwa ubad dhalay intaba, kuwaasa oo la kala ilaaliyo hooyadaasi iyo ilmaheeda maadaama oo xanuun xaga dhimirka ahi uu hayo, taas oo waxyeeli karta ilmaheedda.

"Waxaa cisbitaalka dhimirka ee magaalada Hargeysa ku jira 45 rag ah, iyo 25 dumara, qaybta dumarku aad iyo aad ayay u liidata oo ay u dayacan tahay, dumar uur-leh iyo kuwa dhalay sida ay dhakhaatiirtu noo sheegeen waxaa ay yidhaaheen 'waxaa ay dhibaato naga heysata ilmihii ay dhaleen ayaanu ka ilaalinaa maadaama qof xuskiisu joogo aanu aheyn, hadii aanu gudida nahayna waxaanu soo jeedineynaa in meel gooniya loo dhiso oo cisbitaalka guud laga dhex saaro"ayuu yidhi xildhibaan jirde oo ka warbixinayey xaalada cisbitaalka guud ee Hargeysa.

 

Sidoo kale, guddidu waxay sheegtay in wax laga qabto wadooyinka qofka buga la mariyo intooda badan burbursan tahay, sidoo kale, waxay sheegeen in cisbitaalka qaybta gargaarka degdeg ah ay dumayso hadii aan wax laga qaban.

Xildhibaan Jirde oo golaha warbixintan ka hor akhriyey waxa uu sheegay inay cisbitaalka ka shaqeeyaan 870 qof oo saddex boqol iyo sideetaan qof mushahar ka qaataan, kuwaas oo u baahan in xirfadooda la tayeeyo.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in agaasimaha cusub ee cisbitaalka lagu wareejiyey deyn dhan boqol iyo shan iyo sodon kun oo doolar oo laydh lagu leeyahay ah iyo laba boqol iyo sideed iyo sideetaan kun oo doolar oo dawooyin lagu leeyahay ah, taas oo isku noqonaysa afar boqol iyo sadex iyo labaatan kun oo doolar ($423,000 dollar) lagu leeyahay.

Cisbitaalka guud ayaa dhamaan adeegyada uu bixiya lacag tahay,isla markaana dawladdu siisa miisaaniyad uu ku hawlgalo, haseyeeshee illaa hadda xaalidda daryeel la’aan ee ka jirta cisbitaalka waa laga dayrinayaa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.