4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Maareeye ku-xigeenkii shirkadda Golis oo Boosaaso lugu dilay

 

Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Maareeye ku-xigeenkii shirkadda isgaarsiinta Golis ee Puntland ayaa lugu dilay magaalada ganacsiga ah ee Boosaaso , sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiinta deegaanka.

Cabdullaahi Cali Cumar (Jinnac) ayaa rag ku hubeysan bastoolado waxay ku dileen goob aan isaga uga fogeyn xarunta shirkadda Golis ee magaalada Boosaaso, sida ay Hiiraan Online u sheegeen goobjoogayaal.

Kooxda dilka fulisay ayaa markiiba la sheegay inay goobta ka baxsadeen, lamana sheegin cidda ay ahaayeen, waxaana daqiiqado yar kaddib gaaray halka uu dilka ka dhacay ciidammada amniga oo baaritaanno sameeyay, mase-jirto illaa hadda cid dilka loo soo qabtay.

Ma jirto cid sheegatay mas'uuliyada dilkan,hay'adaha ammaanka Puntland dhankoodana ma jirto warbixin ka soo baxdey oo dilkan looga hadley,weerarro kale oo kan la mid ah ayaa dhowr mar ka dhacay magaalada Boosaaso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online