4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Somaliland oo laga dareemayo dhaqdhaaqa dhoofka xoolaha nool

 

Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Dekadda Berbera ayaa waxa si xawli ah uga socda dhoofka xoolaha nool oo bishii u dambeysay aad looga dhoofinayey dekadda.

Isku duwaha wasaaradda xanaanadda xoolaha Somaliland Axmed Loojee ayaa sheegay in illaa hadda ay dekada ka dhoofeen xoolo lagu qiyaasay shan boqol oo kun oo neef, iyadoo qorshuhu yahay in hal milyan iyo afar boqol oo neef la dhoofin doonno inta carafadda lagu jiro.

“Xiligan aan ku jiran waa Xiligii carafadda oo xoolaha ugu badan inaga dhoofaan, kutalogalka inta la doonayo inay inaga dhoofaan waa milyan iyo afar boqol oo neef, mudadii imika aanu dhoofka bilaabmay oo oo ka bilaabmaysa Bishii July 12,2018 waxa ilaa wakhtigaasi inaga dhoofay in ka badan shan boqol oo kun oo neef ”ayuu yidhi Axmed Loojee isku duwaha wasaaradda Xanaanada xoolaha.

Somaliland waxa laga dareemayaa dhoofka xoolaha oo marka xoolaha la furo kor u qaada dhaqaalaha dadweynaha, kuwaas oo dad faro badan ka hawlgalaan dhoofka xoolaha.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.