4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Guddiga Shaqaalaha rayidka oo diiday xil ka qaadis lagu sameeyay Xog- hayaha joogtada W Arrimaha Dibedda

 

Talaado, August, 07, 2018 (HOL) –Guddiga Qaranka ee shaqaalaha rayidka ee dowladda Soomaaliya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay xil ka qaadis la sheegay in lagu sameeyay xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya Cali Maxamed Cali.

Qoraalka ka soo baxay guddiga oo taariikheysan 5-tii bishan July ayaa lagu sheegay in xil ka qaadistan tahay mid baal-marsan sharciga, madaama markii horeba uu ku yimid xog-hayaha magacaabista ra’iisal wasaare, sidaa daraadeed xil ka qaadistu-na tahay mid ku ansaxmeysa oo kaliya  in loo maro dariiqii hore ee lagu soo magacaabay taa oo mic-naheedu noqonayo in uu ra’iisal wasaaraha xilka ka qaadi karo oo kaliya.

Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in xil ka qaadistan uu sameeyay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Cawad Ciise ay si toos ah uga hor –imaaneyso wareegto uu soo saaray ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre 16/5/2018 ee sanadan oo amreysa in aan xil ka qaadis lagu sameyn karin xoghayayaasha joogtada ah iyo agaasimayaasha guud ee wasaaraddaha la tashi la’aan.

Wareegtadii Ra’iisal wasaaraha :

 Wareegtadii xil ka qaadista :

 Wareegtadii guddiga Shaqaalaha rayidka :

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]