4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
SIMAD oo daah furtay mashruuc ardeyda looga fududeynayo dhaqaalaha wax-barashada


Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Waxaa maanta xarunta wayn ee jaamacadda SIMAD lagu daah furay mashruuc loogu magac daray Qardul-Xasan. Mashruucaan oo ah kii ugu horeeyay ee nuuciisa ah oo laga fuliyo soomaaliya ayaa suurta- galinaya in ardyada wax ka baranaysa Jaamacadda SIMAD laga fududeeyo culayska qarash ee waxbarashada heerka Jamacadeed ayagoo bixinaya 30% inta daraasaddu u socoto halka 70% ay ku bixin doonaan 3 sano kaddib qalinjabintooda. 

Gudoomiyaha Jaamacadda SIMAD Dahir Xasan oo ka hadlay furitaankii mash-ruucaan ayaa uga mahad celiyay hay’adda DirecAid maal-gelinta ay u samaynayso Ardayda Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa dakhligoodu yar-yahay.

Waxaa kaloo uu sheegay in hadafka mashruucaan uu yahay in fursad la siiyo dhalinyarada doonaysa in ay waxbartaan hase ahaatee aanan hada awoodin in ay bixiyaan qarashka waxbarashada. 

Gudoomiyaha hay’adda hirgalinaysa mashruucaan ee DairectAid mudane Xassan Sheekh Axmed ayaa tilmaamay in hal abuurkaan uu kamid yahay howlaha ay hay’addu ugu talagashay in dhinaca waxbarashada looga taakuleeyo umadda soomaaliyeed. waxa uu xusay in ujeedooyinka waawayn ee DirectAid ay doonayso in ay xaqiijiso ay ka mid tahay in xoogga la saaro waxbarashada iyo horumarinta shakhsiga. 

Martidii kasoo qayb gashay munaasbadda ayaa aad usoo dhoweeyay mashruucaan o ay ku tilmaameen in uu horseedi doono horumar iyo baraare isla markaasna kula taliyay in ganacsatada soomaaliyeed ku daydaan oo hirgaliyaan mashaariic lamid ah kan maanta lagu daah furay xarunta Jaamacadda SIMAD.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]