4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Dowladda Jabuuti oo muwaadiniinteeda kala baxeysa Diridhaba

 

Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Dowladda Jabuuti ayaa diyaarad qaas ah u dirtay boqollaal ruux oo dalka u dhashay oo dalxiis u joogay magaalada Diridhabo ee dalka Itoobiya.

Illaa labo boqol oo ruux ayaa la xaqiijiyay in garoonka diyaaradda Diridhabo ay ka ambabaxeen,iyagoo adeegsannaya diyaarad ay dowladda Jabuuti usoo dirtay,sida ay baahisay BBC-da.

Jabuuti waxaa ay dadkeeda kala baxsanneysa rabashada Diridhaba ka socda oo lagu dilay ugu yaraan sagaal ruux oo reer Jabuuti ah,rabshadaha Diridhabo ayaa ku salaysan qoymiyado waxaana magaaladaas ku dagaallamay Soomaali iyo Oromo.

Diridhabo, waxaa sannad walba xilliga kuleylaha (xaaga bax ) u taga boqollaal ruux oo Jabuuti ka soo jeeda,waxaase saameeyay colaada u dhaxeysa Soomaalida iyo Oromada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online