4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Axmed Cabdi Maxamed ‘’ Waqtigan laga bilaabo waxaan ku shaqeyn doonnaa midnimo iyo is cafin

 

Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Madaxweynaha cusub ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cabdi Maxamed oo wareysi siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in wali siyaasadii iyo nidaamkii dowlad deegaanku ku dhisnaa wax ba iska badalin, hasse ahaatee uu meesha ka baxay oo kaliya Cabdi Maxamuud Cumar.

Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in wali lagu dhaqmayo siyaasadii xisbiga tallada haya ee uu guddoomiyaha u ah Cabdi Maxamuud Cumar, taasoo ka dhigan in wali wax is badal ah ku dhicin nidaamkii dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya marka laga reebo in uu is casilay madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

"Waa uu fiican-yahay, waxa uu joogaa Jig Jiga, welina waa guddoomiyaha xisbiga, booskaas isaga ayaa jooga, aniguna waxaan ahay madaxweynihii dowlad deegaanka Itoobiya, ahna guddoomiye ku xigeenka xisbiga,anagu xisbi baan ahayn, weli dowladdii iyo nidaamkii waa sidiisii, booskii madaxweynenimada ayuunbaa is badalay".

Wuxuu sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar yahay qof Itoobiyaan ah oo sida uu hadalka u dhigay dalkiisii jooga, sidaa daraadeed meeshii uu doono uu ku noolaan karo, isaga oo yiri’’ Addis Ababa ayuu tagi karan, Jigjiga ayuu joogi karaan, waa qof ixtiraam bulshada ku dhax leh.

Ururka ONLF oo la dagaalama dowladda Itoobiya oo iyagu ka hadlay is badalka ka dhacay dowlad deegaanka Itoobiya ayaa sheegay in siyaasadii wali halkeedii tahay, iyaga oo intaa ku daray in wali nidaamkii hore uusan meesha ka bixin.

Laakiin haddana dhinaca kale dadka ka faalooda arrimaha deeganka ayaa qaba in tallaabada uu xilka uga degay Cabdi Maxamuud Cumar tahay mid bilow fiican ah oo ugu danbeyntii-na lagu tagi doono in isbadal rasmi ah uu ka dhaco guud ahaan-ba deegaanka, madaama madaxweynaha cusub xilka loogu soo dhiibay si KMG ah.

Madaxweynaha cusub ayaa isagu sheegay in ay diyaar u yihiin is badal ku dhaca dhaqsiyaadeedkii hore, laguna shaqeeyo mar walba awaamiirta raa’iisal wasaaraha cusub ee dalka Abiy Ahmed ee ah in leys cafiyo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]