4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Xabsi cusub oo laga hergaliyay magaalada Muqdisho

 

Talaado, August, 07, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hergalisay meel aan ka fogeyn Ex Koontarool Afgooye magaalada Muqdisho kasoo si casri ah loo dhisay sida uu sheegay taliyaha ciidamada Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac.

Xabsigan ayaa waxaa booqday mas’uuliyiin ka tirsan hay’addaha cadaallada dalka dowladda oo uu ka mid yahay guddoomiyaha maxkamada sare ee Soomaaliya, kuwaa oo ku soo wareegay qeybaha uu xabsigan ka kooban yahay.

Baashe Yuusuf Axmed oo ah guddoomiyaha maxkamada sare ayaa amaan u jeediyay ciidamada asluubta Soomaaliyeed isaga oo kula dardaarmay in ay halkooda ka sii wadaan howlaha adag oo ay u hayaan adkeynta laamaha cadaallada Qaranka.

 

Xibsigan cusub ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee laga hergaliyo magaalada Muqdisho marka laga soo tago xabsiga dhexe oo ah hadda kan kaliye ee loo adeegsado maxaabiista, madaama uu xabsigii labaad ee lagu xiri jiray maxaabiista xiligii ay jirtay dowladdii dhexe uu hadda isku badalay wixii bur burkii ka danbeeyay xarun caafimaad oo loo yaqaanno Isbitaalka Keysanayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]