4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo ka hadlay sarkaal ciidanka Militariga Somaliland ka goostay

 

Talaado, August, 07, 2018 (HOL) -Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Eng: Ciise Axmed Xawaare ayaa sheegay inay xoog ama xal kale ku soo afjari donaan sarkaal ciidanka Militariga Somaliland ka goostay oo maamulka Puntland waydiistay dhul uu ciidamo ku urursado.

Sarkaalkan oo magaciisa la yidhaahdo Siciid Cawil Caare ayaa hadda ku sugan tuuladda Higlo oo 15 KM u jirta degmada Qardho, waxaanu sheegay inuu dagaal la gali doonno Somaliland.

“Sarkaalkaasi ciidanka ka goostay baryahanb waxaanu ku wadnay waanwaan, waxaana la hadalnay odayaashiisa, sidaa darteed, si kasta oo hawshaas ku soo afjari karno qaranka way ka go’an tahay in aanu soo afjarno ama xal ha lagu soo afjaro ama xoog”ayuu yidhi wasiirka Gaashaandhiga Ciise Axmed.

Waxaanu intaas ku daray wasiirku “Ninkaasi maadaama oo uu ciidanka ka falaagoobay waxaanu qaadanay in arrinkoodu ka madax banaanaado beelihii lagu heshiisiinayey Ceel afweyn, hawshii beeluhu way dhamaatay, wayna naga go’an tahay sida ugu dhakhsiyaha badan arrinkiisa loo soo dhamaystiro:

Wasiirku waxa uu sheegay in uu sarkaalkaasi gacan saar la leeyahay Puntland oo u ogolaatay in dhulkooda saldhig ka samaysto.

Taliye Siciid cawil Caare, ayaa isagu sheegay inuu ka cadhooday in dagaaladii labada beelood ee Ceel-Afweyn dirirtu ku dhexmartay ay xukuumaddu ka gaabisay,isla markaana uu arrintaasi ka cadhooday, waxaanu sheegay inuu dagaal uu la gali doono Somaliland oo uu ka bilaabi doono gobolka Sanaag, waxaanu cadeeyey inuu Puntland waydiistay saldhig uu ciidanka ku urursado.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.