4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada Jigjiga kaddib is casiladii Cabdi Maxamuud Cumar

 

Talaado, August, 07, 2018 (HOL)–Maalintii shalay waxaa xilkii madaxwey-naha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iska casilay Cabdi Maxamuud Cumar, waxaana xilkaa si KMG u soo qabtay Axmed Cabdi Maxamed oo horay u ahaa Wasiirka maaliyada.

Magaalada Jigjiga ayaa xalay deganeyd mana jirin wax rabshado ah oo dhacay tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu xilka ka degay Cabdi Maxamuud Cumar oo muddo dheer soo maamulayay deegaanka.

Abashir Axmed Shabeel oo ka faalooda arrimaha deegaanka ayaa isaga oo jooga Dirir-Dhabe  sheegay in is badalka cusub ee ka hana-qaaday sida uu hadalka u dhigay dowlad deegaanka uu yahay mid bilow fiican ah, laakiin waxaa uu sheegay in wali aan laga guurin siyaasadii madaxweynihii hore ee is casilay, isaga oo intaa ku daray in kan cusub-na uu ku yimid rabitaanka Cabdi Maxamuud Cumar oo ay xisbi ku wada tirsanaayeen.

''Waxaa loo baahan yahay is badal kor ilaa hoos ah, waayo waxaa bur buray dhamaanba heykalkii iyo nidaamkii uu deegaanka ku dhisnaa oo dhan, marka is badalkan wax-ba micnaha ma soo kordhinayo haddii aan la sameeynin mid guud oo maamulka oo dhan saameeyaa'' ayuu yiri Abshir Shabeel 

Dhinaca kale xaalada magaalada Dirir –Dhaba oo laftirkeeda ay ka dhaceen rabashado sababay dhimasho ayaa degan, waloow wali aan xal kama danbeys ah loo heli isku dhac-yadii dhaxmaray Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ee ku dagaalamay magaalada.

Ciidamada federaalka Itoobiya ayaa wali ku sugan magaalada Jigjiga iyaga oo sheegay in ay halkaa u joogaan sugida amniga kaddib markii ay sidaa ka codsadeen odayaasha deegaanka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]