4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Iska horimaad khasaare gaystay oo ka dhacay dulleedka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo

 

Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhimatey iska horimaad ka dhacay dulleedka garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee magaalada Gaalkacyo, sida laga soo xigtay saraakiisha deegaanka.

" Rag watey gaari iska-rogo ah oo doonayay inay ka soo rartaan ciid dulleedka garoonka diyaaradaha ayaa rasaas waxaa ku furey maleeshiyaad hubeysan oo koonfurka ka soo jeeda, waxaana goobta gaaray ciidanka ilaalada garoonka diyaaradaha, sida ayuu iska horimaad ku bilowday." ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo, oo xaqiijiyay dadka dhintey labo ka mid ah inay ka mid ahaayeen ciidanka ilaalada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo.

Ciidan ka tirsan kuwa isku-dhaf ee ka howlgalla magaalada Gaalkacyo ayaa la sheegay inay kala dhexgaleen maleeshiyada iyo ciidanka ilaalada garoonka ee dagaallamay, waxaana dib u laabtey maleeshiyada la-dagaallamay ciidanka ilaalada garoonka diyaarada.

Xaaladda ayaa hadda deggan, wuxuuna iska horimaadka ku soo aadday xilli la qorsheynayay dulleedka garoonka diyaaradaha Gaalkacyo inay saldhig ka sameystaan ciidanka isku-dhafka ah oo hadda deggan bartamaha magaalada ,sida ay oggaatay Hiiraan Online.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online