4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Muqdisho -Askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska oo saakay lagu dilay meel aan ka fogeyn hoy-giisa

 

Talaado, August, 07, 2018 (HOL) –Wararka naga soo gaaraya degmada Waabari ee gobolka Banaadir ayaa sheegaya in rag ku hubeysan bastoolado ku toogeen meel aan ka fogeyn hoygiisa askari ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Goobjoogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in gaar ahaan askarigan lagu toogtay xaafadda Buundooyinka ee degmada Waabari, xili uu ka soo baxay gurigiisa, waxaana markiiba goobta ka baxsaday raggii toogashada geystay.

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa gaaray goobta ay toogashada ka dhacday kuwaa oo markii danbe ka qaday halkaa meydka askariga ka tirsanaa ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Dilalkan ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyayba ay sii kordhayeen weerarrada isugu jira Qaraxyada iyo dilalka ka dhacaya magaalada Muqdisho

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]