4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Aug 7 , 2018
Somaliland oo ka hadashay isbedelka ka Socda dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya

 

Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay isbedelka ka socda Itoobiya iyo shaqaaqooyinkii ka dhacay dawlad deegaanka Soomaalidda Itoobiya.

Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in Itoobiya iyo Somaliland isku xidhan yihiin oo ay isa saameeyaan, isla markaana mid walba wixii ka dhaca ka kale saamayn.

“waxaanu xad la leenahay saddex wadan, Soomaaliya, Jabuuti iyo Itoobiya oo xadka ugu dheer la leenahay, Itoobiya siyaabo badan baynu iskugu xidhanahay dad baa inaga dhexeeya, xidhiidh ganacsi baa inaga dhexeeya, mid amniga iyo siyaasadeena oo isku xidhan wax kasta oo ka dhaca Samayn buu inagu leeyahay, isbedelka ka socda wadankaasi waanu soo dhoweynaa waana mid salka ku haya dhawrista xuquuq aadanaha, furfurnaan iyo dimuqraadiyad, waana tay aynu inagu qaadanay ee saldhiga inoo ah waana isbedelka aynu soo dhoweynayno mar walba “ayuu yidhi wasiir Shire.

Waxa kale oo uu intaas ku daray “ wixii dhibaato ee ka dhaca way ina saamaynaysaa, waan ka tacsiyadaynaynaa dadkii waxyeeladdu ka soo gaadhay ee shaqaaqooyinkii maalmihii u dambeeyey ka dhacay dawlad deegaanka Soomaalidda dadkii ay wax ka soo gaadheen, wixii kale ee inagaga beegan ama baahi timaado kaalinteena ka qaadanaynaa”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.