Talaado, August, 07, 2018 (HOL)– Madaxweynaha
Dowladda Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare, ayaa maanta Qasriga Madaxtooyada
Magaalada Jowhar ku qaabilay Taliyaha Ciidamadda Midowga Africa ee AMISOM
Sarreeye guud Jim Beesigye Oweyesigire oo maanta soo gaaray Magaalada Jowhar
isaga iyo saraakiil sar sare oo ka tirsan AMISOM.
Waxana kulanka ku wehelinayey Madaxweyne ku
xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, iyo saraakiil ka tirsan
AMISOM, Iyadoo ay ka wada hadleen ammaanka guud ee dalka gaar ahaan
Amniga Hirshabelle iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa howlgalada lagu baacsanayo
kooxaha argagixisada ah islamarkaana loo furi lahaa wadooyinka kala xiran.
Taliyaha Ciidanka AMISOM Sarreeye Guud Jim
Beesigye Oweyesigire ayaa Madaxweyne Waare iyo ku xigeenkiisa war-bixin ka
siiyey shaqooyinka ciidammada AMISOM ay ka wadaan guud ahaan Soomaaliya
iyo doorka ay ku leeyihiin xasilinta dalka, dhismaha iyo taakuleynta ciidammada
Qaranka, iyo qorshaha ay ku doonayaan in Hirshabelle ay uga fuliyaan howlgalada
looga xoreynayo kooxaha ka soo horjeeda dowladda.
Kulankan ayaa sidoo kale diiradda lagu
saaray muhiimada ay leedahay in Amniga guud ee Dalka ay la wareegaan ciidamada
Qaranka loona diyaariyo qorsha sahlaya in laga gudbo xiliga kala guurka,
waxaana Madaxweyne Waare uu carabka ku adkeeyay in si adag loo wajaho qorshaha
lagula dagaalamayo Argagaxisada oo aynan dowladda iyo AMISOM noqonin kuwa
difaac uun ku jira laakiin loo baahan-yahay in noqdaan kuwa baacsada kooxahaasi.
Madaxweynaha Hirshabelle ayaa uga
mahadceliyey AMISOM sida ay Soomaaliya u garab taagan yihiin iyo
dadaaladooda ku wajan in lagu guuleysto xasilinta dalka iyo la dagaallanka
argagixisada dhibaatada ku heysa Soomaaliya.isagoo dhinaca kale tilmaamay sida
ay lagama maarmaanka u tahay in mar walba laga faa’iideysto waqtiga.
“Aad ayaan u bogaadinayaa ciidammadeena iyo kuwa
Midowga Afrika ee howlgallada socda ka qeyb qaadanayaa. Howlgaladan waa
kuwa loogu talagaley in muddo aad u yar dalka oo dhan looga sifeeyo cadowga
gaar ahaan waxaa dhowaan bilaabanaya Howlgalo lagu Baacsanayo kooxda Al Shabaab si loo furo wadooyinka kala xiran ee Hirshabelle
ayuu yiri Madaxweyne Waare.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]