Hay’adda SYPD oo Shabeellaha Dhexe ka fulisay mashaariic horumarineed


Khamiis, May 15, 2014 (HOL) — Hay’adda SYPD oo inta badan ka shaqeysa howlaha hormarineed iyo u gargaarida dadka taagta darran, ayaa soo gabagabeysa mashariic hormarineed oo ay ka fulisay degmooyinka iyo deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Mashaariicdan oo isugu jiray sare u qaadista helista biyo nadiif ah iyo dhinaca faya dhowrka, ayaa waxaa ka faa’ideystay 17,000 oo ruux ku dhaqan ilaa 40 tuulo iyo xero oo ay ku nool yihiin dad danyar ah oo hoostaga degmooyinka Jowhar Balcad.

Masharuucan ayaa isugu jiray dhismaha 59 ceel iyo 23 boosaneer,  11 xarumo biyaha laga dhaansado ah iyo 407 suuli, waxaana uu mashruucan salka ku hayay siddii loo kaalmeyn lahaa dadka ay dhibaatada weyn ka soo gaartay fatahaadii ugu danbeysay ee ku dhuftay qeybo ka mid ah gobolka Shabeellaha dhexe.

“Ujeeddada aan ka laheyn mashruucan waa siddii aan dib ugu hagaajin laheyn dhibaatadii ka soo gaartay fatahaada kaabayaashii nolasha, sidda ceelaha iyo walba musqulaha oo dhibaato xoog leh ay soo gaartay, maxaa yeellay waad og-tihiiin dhibaatada caafimaad darro ee ka dhalan karta haddii aysan dadku helin  biyo nadiif ah iyo waliba musqulo ku fillan,’’ ayuu yiri C/nuur Farey oo madax ka ah hay’adda SYPD.

Wuxuu xusay in siddoo kale ay dadka ugu deeqeen cagag kuwa biyaha lagu shubto ah iyo waliba saabuun sidda uu sheegay dadka caawineysa dhinaca nadaafada, si looga fogaado caafimaad darrada ka dhalan karta wasaqda.

Mashruucan ayaa waxaa siweyn u soo dhaweeyay dadkii ka faa’ideysan oo sheegay in lagu soo beegan waqti aad ugu baahnaayeen, madaama ceelashii ay biyaha ka cabi jireen ku bur bureen fatahaadii dhawaan ku dhufatay gobolka.

Mas’uulka u hadllay hay’adda SYDP ayaa sheegay in mashruucan uu socday laga soo bilaabo 18/12/2012 waxaana la so afjaray 31 bishii Maarso ee sanadkan 2014, waxaana uu intaa ku darray in ay jirin doonaan mashariic kale oo la doonayo in lagu caawiyo dadka dhibaateysan, isaga oo ugu danbeyntii sheegay in mashruucan ay gacan weyn ka geysatay hay’adda QM u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ee OCHA-Soomaaliya.

Hay’adda SYPD ayaa horay mashaariicyo kala duwan uga fulisay gobollada ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxaana ka mid ah gobolka Hiiraan oo dhawaan ay ka hergaliyeen dhimayaal deegaan ah oo loogu tallagalay dadka danyarta ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya