Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur oo loo sameeyay xaflad soo dhaweyn ah


Khamiis, May 15, 2014 (HOL) — Munaasabad si weyn loosoo agaasimay oo taageero iyo soo dhawayn loogu muujinayay guddoomiyaha cusub ee dowladda federaalka Soomaaliya ay u magacayday degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa maanta lagu qabtay xarunta Soomaaliya ee Muqdisho.

Guddoomiyaha cusub ee degmada Ceelbuur oo loo magacaabay ayaa munaasabada taageerada ah ee loo sameeyay waxaa kasoo qayb galay wasiirro, xildhibaanno, oday-dhaqameedyo, siyaasiyiin iyo sidoo kale qaybaha kala duwan ee bulshadu sida dhallinyarada iyo haweenka.

Col. Nuur Xasan Guutaale ayay dhawaan dowladda Soomaaliya u magacowday inuu noqdo guddoomiyaha cusub ee degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, isagoo halkaas dhawaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM ay kala wareegeen kooxda Al-shabaab oo muddo badan ka arriminayay.

Haddaba munaasabadda taageerada iyo soo dhaweynta isugu jirtay ayaa waxaa madasha ay ka dhacday hadallo kala duwan ka jeediyay mas’uuliyiintii kasoo qayb gashay, waxaana ka mida ahaa wasiirkii hore ee warfaafinta dowladdii MG-ka ahayd C/qaadir Xuseen Maxamed (Jaah-weyn), C/fataax Shaaweeye, xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare iyo nabaddoon Maxamed Xasan Xaad, iyagoona dhammaantood talooyin u jeediyay guddoomiyaha cusub ee degmada Ceelbuur Col. Nuur Xasan Guutaale.

Ugu dambeyn, guddoomiye Nuur Xasan Guutaale oo madasha lagu soo dhaweeyay ayaa ugu mahad-celiyay soo dhawaynta diirran iyo taageerada ay u muujiyeen intii kasoo qaybgashay munaasabadda, isagoona wacad ku maray iuu la imaan doono waxqabad muuqda iyo kasbasho dadwayne; waxaana sidoo kale uu sheegya inay u sinnaan doonaan dhammaan dadka ka=soo-jeeda degmada Ceelbuur.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya