XAAMUD: Haddii la joojin waayo dagaalka Baladxaawo AMISOM way baxaysaa


Khamiis, May 15, 2014 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo ka hadlayay dagaallada degmada Balad-xaawo ee u dhexeeya dhinacyo ku dagaalamaya gacan ku haynta degmadaas ayaa sheegay in ciidamada AMISOM ay bixi doonaan haddii aan la joojin dagaalkaas.

Xaamud ayaa ka digay in dagaallada ka socda degmada Balad-xaawo ay isku bedeli karaan kuwo sokeeyo oo uu dhiib badan ku daato, wuxuuna dhinacyada dagaalku uu u dhexeeyo ka dalbaday inay joojiyaan colaadda nabaddana ay ka qaybqaataan.

“Haddii la joojin waayo dagaallada ka socda degmada Balad-Xaawo , taasi waxay keenaysaa in ciidamada AMISOM ay dalka isaga baxaan,” ayuu yiri wasiirka oo intaa ku darary in dagaalladan ay fursad siin karaan Al-shabaab iyo kuwa la midka ah.

Sidoo kale, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegay in xukuumaddu ay wafdi u dirayso gobolka Gedo si ay wax uga qabtaan dagaallada soo laalaabtay ee ka dhacaya degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo.

“Ra’iisul wasaaraha Soomaailya wuxuu dhawaan wafdi ballaaran u dirayaan Balad-xaawo si ay wax uga qabtaan colaadaha soo laalaabtay ee ka dhacaya degmadaas,” ayuu yiri wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya.

Ugu dambeyn, wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya ayaa beeniyay inay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed ay ka qaybgaleen dagaallada dhowrka mar ka dhacay degmada Balad-xaawo.

Degmada Balad-Xaaawo oo ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo ee ay dowladda Soomaaliya gacanta ku hayso ayaa waxaa ka dhacayay dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay dagaallo u dhexeeyay dhinacyo isku haya gacan ku haynta degmada.

Guddoomiyaha gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil oo dagaalka ka hadlay ayaa ku eedeeyay mas’uuliyaddiisa guddoomiyaha degmada Dooloow, waxaana dagaalladii ka dhacay ku dhintay in ka badan 15-qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen soddomeeyo kale.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya