Khamiis, May 15, 2014 (HOL) — Wafdi uu horkacayo wasiirka gaashaandhigga Somalia, Maxamed Sh. Xasan Xaamud ayaa ayaa gaaray xarunta gobolka Gedo ee Garbahaareey, si ay u xalliyaan xiisadda ka taagan degmada Beled-xaawo.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa la filayaa inay u gudbaan degmada Beled-xaawo oo oo dagaallo khasaare badan dhaliyay ay ka dhaceen maalmihii lasoo dhaafay, kuwaasoo u dhexeeyay ciidammo la sheegay inay taageersan yihiin maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa dowladda ee horay halkaas ugu sugnaa.
Magaalada Garbahaareey ayay wafdigu kulan kula yeelan doonaan maamulka, waxgaradka iyo saraakiisha ciidamada, si xal loogu helo colaadihii dhawaanahan ka dhacay degmadaas, kuwaasoo salfaday nolosha dad fara badan.
Sarkaal ka tirsan maamulka Garbahaareey ayaa sheegay in wafdiga ay kulan la qaateen mas'uuliyiinta maamulka gobolka, odayaasha dhaqanka, waxgaradka iyo culummaa’uddiinka,waxaana kulankan looga hadlay sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa Balad-xaawo.
Maalintii labaad ayaa waxaa degmada Beled-xaawo ka jira xiisado colaadeed oo u dhexeeya dhinacyadii ku dagaalamay, iyadoo ciidamadii dagaalamay ay weli ku dhex-sugan yihiin degmada, waxaana dadaallo dhexdhexaadin ah kawada degmadaas odayaal iyo waxgarad kala duwan.
Dhinacyada dagaalku uu u dhexeeyo ayaa ku loolamaya gacan ku haynta degmada oo dhinac walba uu u arko inay muhiim u tahay, waxaana dagaalkan ku dhintay in ka badan 15-qof, dadkii degmada ku noolaana dhammaantood way ka barakaceen.
Ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan oo degmada ku suganaa ayaa halkaas ka baxay, iyadoo aan la ogeyn sababta dhabta ah ee ay uga baxeen, iyadoo ay markii hore ku dhex-jireen labada dhinac ee uu dagaalku u dhexeeyay.
Tallaabadan ay dowladda Soomaaliya wafdiga ugu dirtay gobolka Gedo si nabad loogu soo dabaalo degmadaas oo ay dagaallo ka dhaceen ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo ay dowladda Soomaaliya qaaddo si ay u joojiyo dagaalkaas.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya