Dowladda Hoose ee Laascaanood oo billowday Nadiifinta jidaka Magaaladaas


Khamiis, May 15, 2014 (HOL) — Dowladda hoose ee degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa billowday olole ay ku baneynayso hareeraha waddooyinka magaalada qaarkood oo ay ku xirmeen biyo ku xirmay oo hakiyay isku socodka ganacsiga suuqyada.

Duqa degmada Laascaanood, C/qaadir Jaamac Saalax (Xuu-xuule) ayaa sheegay inay wadi doonaan hawlgalka la doonayo in waddooyinka biyuhu maraan lagu banaynayo oo maalintii labaad soconaya.

Sidoo kale, Xuu-xuule ayaa sheegay inay dhibaato ka haysato dadweynaha oo aan gacan ka geysanayn sidii loo hagaajin lahaa waddooyinka iyo adeegyadii lagu fududayn lahaa.

“Waxaan ka codsanaynaa bulshada Laascaanood inay bixiyaan cashuurata si ay ugu suuro-gasho inay bulshada u adeegaan,” ayuu yiri duqa magaalada Laas-caanood oo warbaahinta la hadlayay.

Isagoo sii hadlay ayuu sheegay inaanu yareyn qasaaraha soo gaaray magaalada oo uu geystay roob dabaylo watay oo Salaasadii aan soo dhaafnay magaalada ka da’ay, wuxuuna sheegay inay dowladda hoose gacan ka geysan doonaan wixii awooddooda ah. Qaar ka mid ah odayaasha iyo ganacsatada Laascaanood ayaa muujiyay inaanay la dhacsanayn hawlaha dowladda hoose waddo iyagoo xusay inay lunsadaan hantida dadweynaha.

Dowladda Hoose ee Laascaanood ayaa sanad kasta sameeya hawshan oo kale waxaana loo aaneeynayaa iyadoo bulshada degmada Laascaanood ku dhaqan ay dhigaan carro-kaawo guryaha hortooda, taasoo keenta in jidku uu ka dheeraado halkii ay biyuhu u socdeen, meelaha qaarkoodna ay guryaha galaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool