Khamiis, May 15, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Luuq qaaligii maxkamadda degmadaas, Sheekh Maxamuud, iyadoo dilka kaddib ay kooxaha dilka geystay u suuro-gashay inay baxsadaan.
Mas’uul u hadlay Ahlusunna ayaa sheegay in dilka qaaliga ay ku tuhmayaan inay ka dambeeyaan maamulka degmada Dooloow ee gobolka Gedo, ayna hayaan caddeyn ku filan inay dilkaas iyagu ka dambeeyeen.
“Sheekha waxaa la dilay isagoo gurigiisa kusii socda, kaddib markii uu ka baxay masjid uu ku tukaday salaaddii cishaha. Kooxihii dilay way baxsadeen, waxaana ku tuhmaynaa dilkaas maamulka degmada Luuq,” ayuu yiri Sheekh C/raxmaan Axmed Al-Ansaari.
Inkastoo aysan jirin cid sheegatay inay dilka ka dambeyso ayaa haddana wuxuu ka mid noqonayaa dilkan dilal dhowr jeer ka dhacay degmooyinka gobolka Gedo, kuwaa oo qaarkood sababay dagaallada ka socda degmada Balad-xaawo.
Qaaliga ayaa saakay lagu aasay gudaha degmada Luuq, iyadoo aysan jirin weli cid loosoo qabtay dilkiisa, wuxuuna noqonayaa garsoorihii ugu horreeyay oo degmada Luuq lagu dilo tan iyo markii uu billowday sannadkan.
Maamulka degmada Dooloow oo dilka lagu eedeeyay ayaan wax hadal kasoo saarin eedeynta loo jeediyay, sidoo kale maamulka Dooloow kama uusan hadlin dagaalka ka socda degmada Balad-xaawo oo lagu eedeeyay inay iyagu ka dambeeyeen.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya