Khamiis, May 15, 2014 (HOL) — Weerar ay dabley hubeysan ku qaadeen deegaanka Moyaale oo ka tirsan deegaanka Soomaalida Kenya ayaa lagu dilay saddex qof oo ka mid ahaa shaqaale dhisayay waddo.
Saddexda qof ee la dilay oo dhammaantood Soomaali ayaa ayaa magacyadooda lagu kala sheegay: Aweys Cali oo 35-jir ahaa, Nuunoow Cali oo 50-jir ahaa iyo Bishaar Xasan oo 40-jir ahaa.
Waddada ay shaqaalahan dhisayeen ayaa ah mid isku xiraysa Mandheera iyo Wajeer oo kawada tirsan gobolka Soomaalidu degto ee dalka Itoobiya, iyadoo kooxihii dilka geystay ay baxsadeen.
Soita Mwanja oo ka mid ah saraakiisha maamulka Mooyaale ayaa sheegay inay saddexda qof ee geeriyootay ay kooxaha hubeysan ka toogteen meel aad ugu dhow, isagoo sheegay in kooxaha dilka geystay la rumeysan yahay inay ka tisan yihiin beel ka mid ah beelaha Soomaalida ah ee deegaankaas daga, kuwaasoo kasoo horjeeda mashruuca lagu dhisayo waddadaas.
Guddoomiyaha degmada Wajeer, Naftali Mungatia ayaa sheegay in dowladdu ay ka war-qabto dhacdadaas lagu dilay saddexda qof, isagoo sheegay in deegaanka loo diray odayaal-dhaqameed si loo xaliyo khilaafka ka dhaxeeya beelaha wada-dega Moyaale.
Dhacaddan ayaa imaanaysa iyadoo horraantii sannadkii 2013-kii ay naftooda ku waayeen 60-qof, kumannaan kalena ay ku barakceen dagaal beelo deegaankaas wada-daga dhexmaray.
Colaaddaas ayaa ugu dambeyn laga gaaray heshiis ay kala saxiixdeen labadii beleed ee dagaalamay, iyadoo dhacadadan laga cabsi qabo in mar kale ay soo laabtaan dagaal beeleedyadii horay deegaanka uga dhacay.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya