Khamiis,15 May, 2014 (HOL) :- Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa si diiran usoo dhaweeyay sanadguuradii 71-aad ee kasoo wareegtay aasaaskii ururkii dhalinyarada ee SYL, kaasoo halgan dheer usoo galay sidii dalka Soomaaliya looga xoreyn lahaa cadowgii xilligaasi gumeeysan jiray.
Xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose oo maanta xaflad ku qabtay Hotel Qiilmawaaye ee magaalada Kismaayo ayaa si diiran usoo dhaweeyay xuska maalintii la aasaasay ururkii SYL, iyagoo u duceeyay dadkii naftooda u huray sidii umadda Soomaaliyeed ay u heli lahayd madaxbanaanideeda.
Gudoomiyaha xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose Burhaan Max'uud Xasan Kikuuyu ayaa sheegay in uu hambalyo u dirayo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku booriyay dhalinyarada in ay had iyo jeer ka shaqeeyaan nabadda iyo horumarka.
"Waxaan leeyahay dhalinta Soomaaliyeed, waad aragteen colaad oo mudo dheer ayaan kusoo jirnay wax faa'ido ah oo laga gaaray ma jirto, waa inaad nabadda ka shaqeeysaan isboortigana aad horumarisaan, waayo isboortigu waa nabad," ayuu gudoomiyuhu hadalkiisii raaciyay.
Axmed Ruke oo isna ka mid ah dhalinta ku dhaqan degmada Kismaayo ayaa sheegay in maanta ay tahay maalin xusuus mudan islamarkaana umadda Soomaaliyeed aysan ilaabi karin, isagoo sheegay in loo baahanyahay in maanta oo kale la weeyneeyo oo dadkuna ay ka tusaale qaataan dadaalka dhalintaasi.
Maanta oo kale sanadu markay ahayd 1943-dii ayaa waxa la aasaasay ururkii la magacbaxay SYL, kaaso ahaa urur gobonimo doon ah islamarkaana hadafkiisu ahaa sidii umadda Soomaaliya ay ugu noolaan lahayd nabad iyo madaxbanaani, waxaana ururkani uu horseeday madaxbanaanida uu imika haysto dalka Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya
Magaalada Kismaayo oo Maanta si weyn looga xusay Aasaaskii Ururkii SYL
More News
- RA’IISUL WASAARAHA: “Maanta waa Maalin taariikhi ah oo aad noogu weyn”
- Hay’adda SYPD oo Shabeellaha Dhexe ka fulisay mashaariic horumarineed
- Ururka SYL II oo Maanta si weyn u xusay Maalinta dhalinyarada ee 15-ka May
- Guddoomiyaha Degmada Ceelbuur oo loo sameeyay xaflad soo dhaweyn ah
- Munaasabada Maalinta dhallinyarrada 15-ka May oo lagu qabtay Beledweyne
- Maalinta dhallinyarada Soomaaliya May 15 oo Garoowe laga xusay (SAWIRRO)
- Afhayeenka AMISOM oo sheegay inay baarayaan Qaraxii Baydhabo ka dhacay
- Kenya oo Maalaayiin Doollar ku bixinaysa ka Hortagga Falalka Argagaxisada
- Weerar khasaare Geystay oo ka dhacay Deegaanka Mooyaale ee dalka Kenya
- Maraykanka oo cuna-qabateeyay Siyaasiyiin u dhashay dalka Afrikada Dhexe
- Dowladda Hoose ee Laascaanood oo billowday Nadiifinta jidaka Magaaladaas
- MUQDISHO: Kulan looga hadlay ka hortagga marin habaabinta dhallinyarada
- Wafdi uu Hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Somalia oo gaaray Garbahaareey
- Wiil yar oo badbaaday kaddib Markuu kasoo dhacay Dhimse 11 Dabaq ah
- Hoggaamiyaha Al-shabaab oo ka hadlay dagaallada Soomaaliya iyo Kenya
- Kooxo Hubeysan oo Xalay Toogtay Qaaligii Maxkamadda Degmada Luuq
- Madaxweynaha Soomaaliya oo Muqidsho kula kulmay Odayaasha Dhaqanka
- XAAMUD: Haddii la joojin waayo dagaalka Baladxaawo AMISOM way baxaysaa