Munaasabada Maalinta dhallinyarrada 15-ka May oo lagu qabtay Beledweyne


Khamiis, May 15, 2014 (HOL) — Munaasaabd si weyn loosoo agaasimay isla markaana lagu maamuusayay maalinta dhalinyarrada soo maaliyeed 15-ka oo ku beegneyd maanta oo Khamiis ah, ayaa lagu qabtay Baar Hiilaac [Ex Xassan  Dhiif] ee magaalada Beledweyne.

Munaasabada oo ay soo qaban-qaabiyeen xubnaha ururka hormarinta midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan, ayaa waxaa ka soo qeyb-gallay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan, saraakiisha ciidamada dowladda, kuwa AMISOM ee ka socda dowladdaha Jabuuti iyo Itoobiya, odayaasha dhaqanka, haweenka iyo marti-sharaf kale oo ka kala soctay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horreyn waxaa ka hadllay munaasabada guddoomiyaha ururka midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan Max’ed C/llaahi Buuraalle [Raaxeeye] ayaa ku dheeraad wax qabadka ururka hormarin midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan isaga oo sheegay in ay ka qeyb-qaateen arrimo badan oo muhiim u ah hormarinta adeega bulshada, gaar ahaan dib-u-dhiska goobaha danta guud, isaga oo intaa ku darray in siddoo kale ururka hormarinta dhalinyarrada gobolka uu ka shaqeeyo xalinta khilaafaad iyo dib-u-hishiisiinta.

Wuxuu mahad gaar ah u celiyay mas’uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo sidda uu hadalka u dhigay la’aantood ay adkeyd in uu ururku shaqeeyo, waxaana uu si gaar ah uga mahad celiyay maamulka gobolka gacanta ay ka geysteen qabashada munaasabada lagu maamuusayo maalinta dhalinyarrrada Soomaaliyeed.

“Dhalinyarrada Soomaaliyeed waxaa laf-dhabarka bulshada, iyaga ayaa dhibaatada loo adeegsadaa, sidaa oo kalana nabada waa ay ka shaqeyn karaan, waxaan xoogga saari doonaa siddii aan dhalinyarrada ugu boorin laheyn dhisida nabada iyo howlaha guud ee hormarinteed,’’ ayuu yiri Raaxeeye.

Col. Cismaan Dubad taliyaha ciidamada Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM oo munaasabada ka hadllay ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay ka qeyb-gallkiisa maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed, isaga oo ku dheeraaday doorka dhalinyarrada mar walba ku leeyihiin hormarinta dal kasta, waxaana uu uga mahad celiyay ururka hormarinta midowgga dhalinyarrada gobolka Hiiraan howlihii kala duwanaa oo ay ka qabteen gobolka mudadii ay jireen.

Intii ay munaasabada soctay waxaa khadka telleefoonka uga qeyb-gallay ra’iisal wasaaraha xukuumada Soomaaliya C/wali Sheekh Axmed Max’ed oo hambalyo u diray marka hore dhamaan dhalinyarrada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan dhalinyarrada gobolka Hiiraan.

“Waa maalin farxad leh, waa maalintii calanka maanta aan hoos harsaneyno la aas-aasay, waa milintii ay isku tageen 13 -kii dhalinyarrada SYL oo ay goosteen in ay dalka laga xoreeyo gumeystihii gacanta ku hayay, ka mid dhigaan dalka Soomaaliya dalalka kale ee xorta ah, taasna waxaa ay muujineysaan in dhalinyarradu yihiin xoog gaar ah, dalkeenana maanta waad arkeysaan halka uu marayo, waa waqti loo baahan yahay muraqa iyo maskaxda dhalinyarrada, kana xoreeyaan dalka cadawgga ku dhax jira ee nolasha u diiday,’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare C/wali.

Waxaa uu sheegay ra’iisal wasaare C/wali in dhawaan uu soo gaari doono magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan isaga oo sheegay in uu horay u tagay degmada Buula-burte.

“Dhawan waxaan ku soo fool leeyahay magaalada Beledweyne, waxaan is arki doonaan maamulka gobolka, dhalinyarrada ayaan shir wada qaadan doonaa, odayaasha siddoo kale, waxaana leeyahay dhalinyarrada gobolka Hiiraan hambalyo,’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare C/wali.

Ugu dambeyn, wuxuu ugu baaqay ra’iisal wasaaraha bulshada ku dhaqan gobolka in ay qaataan doorkii ay ku lahaayeen dhismaha dowladnimada, madaama sidda uu sheegay sanadkan ay ugu magaca darreen sanadkii dhalinyarrada, kana hortagaan sidda uu hadalka u dhigay kuwa magacooda sidda qaldan u adeegsanaya ee [Al-shabaab]

Waxaa ugu danbeyntii munaasabada soo gabagabeeyay ama soo xirray guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan  C/fitaax Xassan Afrax oo hambalyo u dirray dhamaan dhalinyarrada Soomaaliyeed iyo gaar ahaan dhalinyarrada gobolka, isaga oo ugu hambalyeeyay 15-ka May maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed.

Waxaa uu sheegay maamulka gobolka uu waddo qorshayaal u gaar ah dhalinyarrada, waxaana uu uga digay tahriibka, taa badallkeedana looga baahan yahay ninka dhalinyarrada ah in uu dalkiisa wax ka soo saarto.

Waxaa uu siddoo kale ku booriyay in laga shaqeeyo nabad-galyada, madaama dhalinyarradu yihiin xoog jira oo is badal keeni kara.

Munaasabada 15-ka May oo ah maalinta dhalinyarrada Soomaaliyeed ayaa si weyn looga maamusay guud ahaanba gobollada dalka, gaar ahaan dhalinyarradii ka qeyb-gashay munaasabada maanta lagu qabtay magaalada Beledweyne ayaa siweyn u soo dhaweeyay in fariinta ra’iisal wasaaraha ee ahayd in dhalinyarradu ka qeyb-qaataan hormarinta dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya