Ururka SYL II oo Maanta si weyn u xusay Maalinta dhalinyarada ee 15-ka May


Khamiis, May 15, 2014 (HOL) — Munaasabada lagu xusayay 15-ka May oo ahayd markii la aasaasay ururkii dhallinyarada ee xoriyadda iyo sharafta u soo hooyay dalkeenna Somalia ee SYL oo uu soo qabanqaabiyay ururka SYL II ayaa lagu qabtay ayaa maanta lagu qabtay degmada Dharkeynlay ee gobolka Banaadir.

Xuska oo ahmiyadiisu ay ahayd u baraarujinta dhallinyarada waajibaadka ka saaran dhowrista sharafta waddankooda ayaa waxaa ka qayb-galay inka badan 400 oo qof oo arday ah kuwaasoo dhigta qaar ka mid ah dugsiyada Qur’aanka Kariimka qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir iyo macallimiintooda.

Dhowr iyo labaatankii sano ee dalkeennu uu burburka ku jiray maalmaha Qaranka sidii loo xusi jiray looma xuso, iyadoo la iloobay jiilalalkii loo baahnaa in la dhaxal-siiyo laguna baraarujiyo muhiimaddooda. Ololahaan ballaaran oo ay sameeyeen ururka dhallinyarada SYL II u diyaar-garowgii xuska munaasabaddan ayaa noqday midkii ugu horreeyay oo ay humaagga uga saareen indhaha bulshada iyagoo isku soo aruuriyay dhallinyaro 400 gaareysa oo ah kuwa dhigta dugsiyada Qur’aanka kana kala socday degmooyinka Gobolka Banaadir iyo macalimiintooda si ay u muujiyaan muhiimada xuska maalintan iyo maalmaha kale ee Qaranka u leeyihiin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Dhallinyarada goob-joogga ka ahaa munaasabadda ayaa muujiyay qaylo dhaanta ku aaddan maalmaha muhiimka ah ee kasii dumaya dalkeena iyo xifdinka dalkeena Somalia, iyagoo watay boorar ay ku xar-dhanaayeen erayo ay ka mid ahaayeen: [Dalkeenu waa dhaayaheenna, inay naga dhacaan dhagar-qabaha doonayow, dhar-baaxo naga filo ku dhaafimaynee] iyo erayo kale oo ka tarjumaya ahmiyada xifdinta waddanka.

Qaar ka mid ah culummada iyo macallimiintii goobta ka hadashay ayaa caddeeyay in diinteenna ay qabto in qof walba waajib uu ka saaran yahay inuu difaaco, sharfo waddankiisa hooyo oo aysan jirin meel uu ku doorsanayo, iyagoo soo qaadaanayay xadiisyo tusaalooyin u ahaa waddan jaceylka.

Munusaabadda xuska 15-ka May ee ka dhacday degmada Dharkeynlay ayaa waxaa soo dhaweeynta u sameeyay dhammaan ka qayb-galayaasha xafladdaas maamulka degmada Dharkeynlay oo gacan weyn ka geystay soo dhaweynta munaasabaddan.

Ugu dambeyn, natiijada xafladda kasoo baxday ayaa ahayd in dhallinyarada oo ka kala yimid qoysas iyo degmooyin kala duwan ay soo bandhigaan iyagoo qiireysan jaceylka ay u qabaan waddanka, ayna ka tagaan fikirada laga dhaadhiciyay ee xuska maalmaha waddaniyada inay tahay arrin aan wanaagsanayn, iyadoo lasoo bandhigay muuqaallo ka tarjumaya dhowrista sharafta dalkeenna Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya