Maraykanka oo cuna-qabateeyay Siyaasiyiin u dhashay dalka Afrikada Dhexe


Khamiis, May 15, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa amary in cunuqabatayn lagu soo rogo shan ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan wadanka Afrikada dhexe oo uu ku jiro madaxweynhihii hore ee dalkaas Francois Bozize.

Amarkan oo soo baxay  maalin ka hor  ayaa loo cuskaday in qaar kamid ah shantaas ruux ay ku xad-gudbeen sharcuuda caalamiga ah, waxaana loo haystaa eedaymo ay ka mid yihiin askaraynta caruur da’a yar iyo waliba laynta dad shacab ah oon waxba galabsan.

“Dhamaan hantidii shantaas ruux u taallay gudaha Maraykanka waa la xannibay “ayaa lagu yiri war ka soo baxay aqalka cad ,waxaana si gaar ah loo soo hadal-qaaday danbiyada ay shantaas ruux ka gaysteen qaybo ka mid ah dalka Afrikada dhexe.

Qaramada Midoobay ayaa si lamid ah cunuqabtayn gaar ah ku soo rogtay asbuucan horaantiisa Francois Bozize iyo laba ruux kale oo aan magacyadooda si rasmi ah loo shaacin ,balse ku lug lahaa dagaalladi dhawaan dhacay.

Sidoo kale dadka eedaymaha loo haysto  waxaa kamid ah hogaamiyaha mucaaradka dalkaas Michel Djotodia oo kamid ah hogaamiyayaasha hubaysan ee ka dagaallamaya halkaas ,iyadoo colaadaha Afrikada Dhexe ay ku naf waayeen dad gaaraya 1,000 ruux oo shacab ah.

Ugu danbayntii hadalkan ka soo baxay madaxweyne Obama ayaa ku soo aadaya ,iyadoo xiisadaha Afrikada dhex ay sii kordhayeen maalmihii la soo dhaafay ,waxaana dagaaladan ay u dhaxeeyaan Muslimiinta iyo Kiristinka kuwada nool dalkaas.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]