Khamiis, May 15, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeed looga hadlayay xoojinta xiriirka ka dhaxeeya dhallinyarada iyo inaanay u nuglaan marin habaabin ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay ka qayb-galeen culummaa'uddiin, odayaasha dhaqanka, wax-garad iyo dhallinyaro.
Kulankan oo ay soo qaban-qaabisay hay'adda wada-hadalka bulshada ee loosoo gaabiyo CCD, waxaana ka qayb-galayaashu ay talo iyo tusaale ka bixiyay sida ay dhallinyarada xilligan looga wacyi-gelin karo hurinta colaadaha iyo fikradaha aan habboonayn ee laga dhaadhicinayo.
Ugu horreyn waxaa dood-cilmiyeedka ka hadlay, C/llaahi Cabdulle Wehliye oo sheegay in door muhiim ah ay ku leeyihiin wacyi-gelinta odayaash dhaqanka, isagoo xusay in haddii la helo abaabul ku aaddan sidii dhallinyarada looga wacyi gelin lahaa adeegsiga fikradaha qaldan dhallinyaro badan laga soo saari lahaa fikradaha qaldan.
"Waa ugu mahad-celineynaa qaabka hay'addu u shaqeyso iyo wacyi-gelinta ay u sameynayso bulshada, waana soo dhaweyneynaa, odayaasha maanta iyagaa ah kuwii bulshada isku xirayay, haddii abaabul badan la sameeyo waa ku guuleysan karaan in dhallinyarada laga soo saaro Al-shabaab, lana wacyi-geliyo," ayuu yiri Wehliye.
Sidoo kale, Maxamed Maxamuud Sahal oo loo yaqaan abwaan Shiddo ayaa lagu sheegay in Soomaalida ay leedahay dhaqan ka soo billowda bulshada, isla markaana dhaqanka uu yahay wax wanaagsan, wuxuuna xusay in dhaqanka Soomaaliyeed aanu ahayn qofka is-qarxinaya, isagoo ku sifeeyay inuu yahay dhaqan meel kale laga soo min-guuriyay.
“Qofka is-qarxinaya ee isaga is-dilaya, waddadii waa ka leexday, waayo dhaqan Soomaaliyeedna ma ahan dhaqan diimeed, maxaa yeelay qofka is qarxiyo jano ma galeysid, naftaa goyneysa ee ha is-dilin, dhallinyarada la marin habaabiyay waxaan leennahay war naftaada ha goyn," ayuu yiri abwaan Shido yiri.
C/llaahi Faarax Xeyle oo ka mid ahaa culummaa'uddiinkii ka hadashay doodda ayaa hambalyo ku aadan 7-guuradii kasoo wareegatay aasaaska dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May u diray dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in dhallinyarada loo baahan yahay in dib ugu noqdaan halgankii gobonimo doonka.
"Dhallinyarada dib ha ugu noqdeen halgankii gobonimo doonka ee 71-sano ay ka soo wareegtay, waxaa leennahay dhallinyarada ha raadiyeen qarankiisii lumay, naftiinana meel cidlo ha ku luminina, dhallinyarada dalka u soo hal-gantay ha magac dilina, meelaha aad ku jirtaan kasoo baxa, dalkiinana dhisa," ayuu yiri.
Nabaddoon C/salaan Axmed Gabeyre ayaa sheegay in odayaasha ay dhaqankii wanaagsanaa ee soo jireenka ugu gudbi karaan dhallinayarada maanta ay tahay in ugu horreyn la sameeyo barnaamijyo iyo wacyi-gelin si dhallinyarada loo baro, meel walbana loogu gudbiyo, sida idaacadaha, meelaha bulshada isugu timaado.
Ugu dambeyntii, Macallin Maxamed Cali ayaa sheegay in dhaqanka wanaagsan oo la toosiyo ay ku jirto wanaag iyo sharafta, isla markaana diinta gacanta lagu qabsado, lana joojiyo tafaraaruqa, lana is-faro Alle ka cabsi, si bulshada xumaan iyo dhibaato uga fogaato.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya