Khamiis, May 15, 2014 (HOL) —
Khamiis, May 15, 2014 (HOL) —
Khamiis, May 15, 2014 (HOL) —
Khamiis, May 15, 2014 (HOL) — Maanta oo ku beegan 15-ka May kuna asteysan maalinta dhallinyarada Soomaaliya, waxaa munaasabad ballaaran oo lagu xusayey lagu qabtay magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland.Xafdladda oo ka dhacday Xarunta Baarlammaanka, waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaanno, madax-dhaqameed, dhallinyaro, haween iyo xubno ka socdey ururada bulshada rayidka ah.
C/weli Gaas oo goobta khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey, ayaa ka sheekeeyey halgankii dheeraa ee ay gobanimada usoo galeen ururkii dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL.
Madaxweynuhu wuxuu sidoo kale sheegay in dhallinyaradu ay lagama maarmaan u yihiin horumarka bulsho walba, isagoo ugu baaqay dhallinyarada Puntland inay dadaal badan ku bixiyaan qaybna ka qaataan horumarka deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:
Wasiirka Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Puntland C/raxmaan Shiikh Axmed oo isna munaasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay in wasaaraddiisu ay dejisey qorsheyaal badan oo dhallinyarada shaqooyin loogu abuurayo aqoontoodana kor loogu qaadayo.
Wasiirku wuxuu uga digey dhallinyarada inay tahriibaan isagoo xusay in sannadkan uu si aad ah kor ugu kacay heerka dhallinyarada dalka ka tahriibaya oo badankoodu ay deegaanada Puntland ka tagaan.
Muddo hadda laga joogo 71 sano kuna beegnayd May 15, 1943 waxaa la asaasay ururkii dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL, ururkaas oo sabab u ahaa in Soomaaliya uu noqdo dal xor ah sannadkii 1960.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya