Khamiis, Jannaayo 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaan la ogeynsiin dowladdiisa weerarkii ay ciidamada Faransiisku ku qaadeen deegaanka Buulo-Mareer kaasoo ay ku doonayeen inay ku furtaan sarkaal ka tirsan sirdoonka dalkooda oo gacanta ugu jiray Al-shabaab.
Wareysi gaar ah oo uu madaxweynuhu siiyay VOA-da laanta af Soomaaliga ayuu ku sheegay hadalkan, iyadoo weerarkaas uu ahaa mid Faransiisku ay ku guuldarresyteen inay ku furtaan la-haystahooda waxayna ku waayeen weerarkaas laba ka mid ah askartooda gaarka ah iyo muwaadinkoodii la haystay.
“Waxaan rumeysannahay in howgalkaas uusan u dhaceen sidii uu u dhacay haddii lagu soo wargelin lahaa dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray. “Xukuumadda Soomaaliya waxay falkaas kala hadlaysaa dowladda Faransiiska.”
Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah inay toogatay xalay fiidkii oo Arbaco ahayd Dennis Allex oo ahaa sarkaalkii Faransiiska ahaa oo muddada sannadaha badan afduubka ku haysteen.
Dhanka kale, madaxweyanah Soomaaliya ayaa wargeysigiisa ku sheegay in aqoonsiga Mareykanka uu aqoonsanayo dowladda Soomaaliya ay ku timid laba arrimood oo waaweyn, kuwaasoo kala ah xilligiik KMG ahaa oo dalka uu ka baxay iyo afartii bilood oo howlo badan aan qabannay isla markaana aan la nimid inaan buuxinno aasaaskii dowladnimo.
“Aqoosigan wuxuu horseedi doonaa in hay’ado badan oo caalami ah oo aan horay uga mid ahayn balse aanan hadda ka mid ahayn aan dib ugu noqonno, taasoo fududeyn doonta dib u dhiska dalka,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha Soomaaliya oo la weydiiyay sababta keentay in Mareykanka uu dowladda Soomaaliya u aqoonsado dowlad ayaa wuxuu sheegay wada-xaajood badan oo ay labada dowladood ka yeesheen arrimaha ammaanka, cadaaladda, maamulka maaliyadda dowladda iyo sida dalka oo dhan loogu baahin lahaa dowladnimada. Isagoo xusay in inahaas ay dhabbaaha u xaareen in Mareykanka uu aqoonsado dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya