Madaafiic xalay lagu Weeraray saldhig ay ciidamada Huwanta ahi ku leeyihiin Duleedka Magaalada Kismaayo

Khamiis, Jannaayo, 17, 2013 (HOL) -- Dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig ay ciidamada dowladda, kuwa Kenya iyo Raaskaambooni ku lahaayeen duleedka waqooyi ee magaalada Kismaayo.

Weerarka ayaa ka dhacay xarunta Jaamacadda Kismaayo, waxaana labada dhinac ay isweeydaarsadeen madaafiic aad u xooggan.

Sidoo kale madaafiicdii ay tuurayeen xoogagga Al-shabaab ayaa qaar kamid ah kusoo dhaceysay qeybo katirsan xaafadaha magaalada Kismaayo, waxaana goobjooge ku sugan Kismaayo uu HOL u sheegay in qaar kamid ah madaafiicda ay soo tureen Al-shabaab ay ku dhacday xaafadda Kuubo ee magaalada Kismaayo, wallow aysan geysan wax khasaaro ah.

Ilaa imika ma cadda khasaaraha kala gaaray labada dhinac ee madaafiicdka isweeydaarsanayay, mana jiraan masuuliyiin katirsan dhinacyadaasi oo faahfaahin ka bixiyay.

Xoogagga Al-shabaab ayaa aalaaba weerarro kuwan lamid ah waxa ay la beegsadaan saldhigayada ay ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ku leeyihiin daafaha magaalada Kismaayo.

 Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya