Qarax khasaare Nafeed geystay oo Maanta ka dhacay Xerada Xagar-dheer oo ka tirsan Xeryaha Qoxootig Dhadhaab

Khamiis, Jannaayo 17, 2013 (HOL) — Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay qarax maanta ka dhacay xerada Xagar-dheer oo ka tisran xeryaha qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya, iyadoo booliiska dalkaas ay sheegeen in walaxda qaraxday ay ahayd miino.

Sidoo kale, booliiska ayaa sheegay in labada nin ee ku dhintay Qaraxa ay ka mid ahaayeen xoogagga Al-shabaab ayna doonayeen inay miinada xiraan, balse ay si farsamo xumo ah uga qaraxday.

Maydadka labadan qof ayaa laga helay halkii ay ku dhinteen, kaddib markii la maqlay qarax weyn oo ka dhacay xerada gudaheeda, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay weerarkaas.

Taliyaha booliiska gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya, Charlton Mureithi ayaa sheegay in la aqoonsan waayay meydadka labada nin waxyeellada uu qaraxaas u geystay awgeed.

“Miinadan waxaa la doonayay in la geliyo jidadka si loo bar-tilmaameedsado laamaha ammaanka ee Kenya ee ka howlgala xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya,” ayuu yiri Muteithi oo saxaafadda la hadlay.

Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo geystay khasaare isugu jirta dhimasho iyo dhaawac soo gaartay qoxootiga ku jira xeryahaas iyo ciidamada ammaanka.

Falkan ayaa wuxuu kusoo beegmay iyadoo xalay uu ka dhacay degmada Gaarisa weerar lagu dilay shan qof oo shacab ah ayna ku dhaawacmeen in afar qof oo kale, waxaana dadka la dilay ka mid ahaa sarkaal ka tirsan ciidamada ilaalada xabsiyada Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya