Xukuumadda Somalia oo cambaareysay Fal ay Ciidamada AMISOM ku dileen Dad Shacab ah oo Caruur u badnaa


Khamiis, Jannaayo 17, 2013 (HOL) — Xukumadda Soomaaliya ayaa si aad awh u cambaareysay fal ay ciidamada AMISOM ku toogteen toddoba ruux oo shacab ah kuwaasoo shan ka mid ah ay ahaayeen caruur da’doodu ka yar tahay 10-sano, iyadoo dhacdadaas ay ku dhaawacmeen toddoba ruux oo kale.

Ciidamada AMISOM aya Tallaadadiis lasoo dhaafay ku toogtay tuulada Buulo-Yaasiin oo ku dhow degaanka Leego ee Gobolka Shabeellada hoose, iyadoo dowladda Soomaailya ay sheegtay inaysan u dul-qaadanayn in la laayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, C/kariin Xuseen Guuleed ayaa kulan ay golaha wasiirradu yeesheen Muqdisho maanta kaddib ayaa waxay kasoo saareen qodobbo ay ay ka mid yihiin:

  1. In dowladda Soomaaliya ay aad uga xun tahay falkaas, isla markaana aysan u dul-qaadaneynin in la laayo dadka rayid ah oo aan waxba galabsan
  2. In dowladda Soomaaliya ay ka dalbaneyso ciidamada AMISOM caddeymo buuxa iyo garowshiyo falkii 15-ka bishan ka dhacay tuulada Buulo-Yaasiin.
  3. In dowladda Soomaaliya ay u saartay guddi soo xaqiijiya dhacdadaas iyo sida ay ku timid dhimashada dadka rayidka ah, dibna warbixin ugu soo celiya golaha wasiirrada.
  4. Dowladdu waxay tacsi u direysaa iyadoo la murugeysan dadkii ku geeriyooday dhacdadaas, kuwa dhaawacmayna in Alle uga baryaysa inuu dhaqso bogsiiyo,

Dhanka kale, golaha wasiirrada xukuumadda Soomaaliya waxay kulankoodii maanta kaga hadleen xariga weriye Cabdicasiis Koronto iyo dad kale oo lagu soo eedeeyaya inay wabrixin been abuur ah oo ku saabsan kufsi loo geystay gabar Soomaaliyeed ay u gudbiyeen warbaahinta caalamka.

Wasiirka arrimaha gudaha ayaa sheegay in baaritaan dheer oo la sameeyay ay ku ogaadeen in eedeynta la xariirta Kufsi ay ciidamada booliisku ka geysteen xero ku taalla magaalada Muqdisho, taasoo laga sii daayay TV-ga Al-jazeera ay tahay mid been abuur ah, isla markaana ay gacanta ku hayaan wariyihii iyo dadkii kale ee kala qayb-qaatay sharcigana la horgeyn doono.

“Golaha wasiiradu waxay cambaareeyeen falalka lidiga ku ah kufsiga haweenka iyo tacadiyada kale ee dumarka, waxayna adkeysay ciqaabta uu mudan karo shaqsiga ay ku cadaato falalkaasi kufsiga iyo dhibaateynta ah,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha isagoo xusay in sharciga mariyeen askari ka tirsan ciidamada dowladda oo lagu eedeeyey inuu galay falal kufsi ah.

Sidoo kale, golaha wasiirrada ayaa ku meel mariyay isla kulankii maanta qorshe ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka kaasoo la xariira dib u dejin loo sameynayo barakacayaasha ku nool xeryaha qaxootiyada, waxayna isla qaateen in si deg-deg ah looga howlgalo arrintaas.

Wasiirka ayaa tilmaamay in dadkan ay deggan yihiin goobo aan munaasib ku ahayn deegaanka; kuwaasoo aan lahayn agabkii deegaanka sida: caafimaad, biyo iyo musqulo, wuxuuna xusay in wasaarradu oo kaashaneysa hay’addo caalami ah ay u diyaarin doonaan dadkaan goobo ku wanaagsan deegaanka oo leh adeeg caafimaad, biyo iyo adeegyada kale ee aas-aasiga ah.

Dhinaca kale, golaha wasiirrada ayaa go’aamiyay in 26-ka illaa 31-ka bishan Jannaayo loo aqoonsado toddobaadka nadaafada dalka. Wuxuuna wasiirka arrimaha gudaha ugu baaqay dhammaan gobollada iyo degmooyinka dalka in laga sameeyo olole nadaafadeed oo ay hormuud u noqon doonaan xubno ka tirsan dawladda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya