Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay dil Toogasho ah ku fulisay La-haystihii Faransiiska ahaa ee Dennis Allex


Khamiis, Jannaayo 17, 2013 (HOL) — Al-shabaab ayaa sheegtay inay  dileen Dennis Allex oo ahaa sarkaalkii Faransiiska ahaa oo ay shalay ku xukumeen dilka toogasho, iyagoo sheegay in dilka sarkaalkaas uu xalay fiidkii ka dhacay deegaanka Buulo-Mareer oo dhawaan uu ka dhacay weerar fashilmay oo Faransiisku ay ku doonayeen inay ku furtaan sarkaalkooda.

War ay Al-shabaab ku shaacisay bartooda Twitter-ka ayay ku sheegeen in dilka Allex uu dhacay xalay 7:30 fiidnimo, ayna dilkaas fuliyeen ciidammo si gaar ah loogu talogalay.

Al-shabaab kuma aysan sheegin warbixintooda qaabka loo dilay sarkaalkan Faransiiska ah, balse waxay sheegeen in dilkiisa uu yimid kaddib markii ay Faransiisku isku dayeen inay weerar fashilmay si xoog ah ugu furtaan.

“Waxaan dil toogasho ku xukunnay sarkaalkii Faransiiska ahaa ee muddada saddexda sano ah gacanteenna ku jiray, waxaana xukunkan uu yimid kaddib markii dowladdiisa ay khatar gelisay naftiisa,” ayaa lagu yiri bayaankii shalay ay Al-shabaab soo saartay ee lagu xukumay Dennis Allex.

Sarkaalkan oo dowladda Faransiisku ay sheegtay inuu ku dhintay weerarkii la doonayay in lagu furto oo dhacay habeenkii Sabtida ee toddobaadkan ayaa laga afduubay Muqdisho isaga iyo saaxiibkiis sannadkii 2009, iyadoo tan iyo xilligaas uu sarkaalkan ku jiray gacanta Al-shabaab.

Ma aysan sheegin Al-shabaab inay soo bandhigi doonaan habka uu u dilka sarkaalkan u dhacay, iyadoo looga bartay kooxdan inay soo saaraan filim ama qoraal ay uga sheekeynayaa sida ay u dhaceen dilalka ay fuliyaan.

Dowladda Faransiiska ayaan ka hadlin weli xukunka lagu  riday sarkaalka u afduubnaa Al-shabaab oo rumeysan yihiin in la dilay intii uu socday weerarkii lagu doonayay in lagu furto, balse Al-shabaab ay sheegeen inay hayaan ayna go’aan ka gaari doonaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya